Alle ha u naxariistee waxaa shil gaadhi ku geeriyooday laba nin, laba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay laba gaadhi isku dheceen deegaanka Carro yaabmo ee duleedka Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
Labada gaadhi ee shilka galey oo kala ahaa Gaadhi Xamuul Shaamboo ah iyo gaadhi yar oo Fitis ah(Tukhaan), waxa labada qof ee ku geeriyooday kala ahaayeen Marxuum Maxamed Yuusuf Buux (Tooxiye) iyo Dheeg Magool Xoosh, waxaana ku dhaawacmay laba nin oo kale.
Labada Marxuum ee Geeriyooday iyo labada dhaawacmayba waxay wada saarnaayeen gaadhiga yar ee Fitis-ka ah.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabilay Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamuud Guutaale oo shilka dhimashada iyo dhaawaca sababay ka hadlay ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehelka qaraabada iyo asxaabtii ay ka bexeen labada Marxuum ee geeriyooday, waxaanu alle uga baryay in uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo, labada Marxuumna janadii Fardawsa ka waraabiyo.
Waxaa kale oo uu Taliyuhu sheegay in wadada shilalku ku badan yihiin isla markaana ay tahay Masiibo qaran oo maalin kasta dad ku dhimanayaan.
Waxaanu Taliye Guutaale intaa raaciyay in ay ciidan booliis ahaan ay ka hawl gelayaan sidii looga hor tegi lahaa halista shilalka gaadiidka, isagoo digniin u diray dirawalada gaadiidka wada oo uu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono wadayaasha gaadiidka ee xawaaraha xad-dhaafka ah ku wada baabuurta ee dadka halliga.