Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in magaalada Berbera Dadka deggani mar keliya ku tooseen inay Dhulka sharciyaystaan, isla markaana wuxuu xusan in hadduu dhalliilo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ay reer dhami soo caayayaan.
Waxa uu Cali-Guray arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Qoraal uu soo dhigay Ciwaanka uu ku leeyahay Shabakadda Bulshada kulmisa ee Faybuug (Facebook), waxaanu u dhignaa Qoraalkiisu sidan:-
“Guurtida: Go’aankii Khallifu Sunnaha! – War nabadda la idin sii. Shalay ayaan Berbera immi oo wada mitir sidata, Galbeedna u soo dhaqaaqday markii ay Sanqadhii ugu horraysay ee DP World maqashay. Barina weli maan soo eegin. Xabaala-Tumaalood markananu marayno ayaan Buuqii yaabay oo aan is idhi; ‘waar tolow ma aas bay joogaan waxan oo Dad ihi? Iyo waar bal innagu leexi, saa waa maca Meeyerkii oo Dad beri hore dhul ay sharciyaysteen oo mindhaa DP World markay maqleen luxudka la soo kacay dhis ama sees ka bilaaba is yidhi. Maayerkuna kala horayo oo sharciyaddooda kala hubinayo. Mooyi dar ku qabso ku qadimaysid ahaana inay ku jireen. Berbera dhulku sidan aan indhahayga ku arkayay may ahaan jirin, ku qabso ku qadi mayside may jirin ee biyo yaa shuban bay ahayd. Berbera wakhti hore ayaa iigu dambaysay yididiilo cusub baa iiga muuqatay. Cid ma waraysan saakana (shalay subax) uma bixin xagga Batalaale.
Hee halkaan u socday may ahayn Berbera eh hadda ayaa TV-ga STAR tilifoon igu soo dhuftay, waaba ku aan Hargeysa uga soo baxsaday. Waadigii na yidhi illaa Guurtidu wax soo saarto hadli maayee diyaar ma tahay? Aniguna laxdaba uma war hayo ballan hore inuu jirayna xusuustay! Oo maxay kordhiyeen iyo laba bilood, Anigu Berberaan joogaye hadday laba bilood tahay nabadgelyo.
Guurtidu waa kuwii aynu naqaannay ee Salebaan-Gaal horjoogaha u ahaa ee haddii aad wax tidhaa reerka dhami cayda kuula soo fadhiisanayay ee Ninkii aad is lahayd waa Nin Qaran marka keliya Ninka qabiil kugu noqonayay. Yeelkood eh go’aankan sidan u arko ayaan idiin sheegayaa.
Shiicada wuxuu Sunnigu u yaqaan KHAALIFU SUNNA, Wahaabiyiintuna Kufriyeeyaan oo Muslimba maaha ayay yidhaahdaan, Go’aanka Guurtidu waxba maaha waa intii Khaalifu Sunnaha illayn waxay ummaddu dan mooddo ey isku raacdo wax aan ahayn waa inay keenaan eh. Illaa weligood intii uu Goluhu liinbaxay, ee fasaqay ee fasahaaday danta ummadda maalin kamay talinnin eh.”