Gudoomiyaha xisbiga Waddani ahna gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xildhibaanno ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo ku biiray xisbiga Kulmiye ee taladda dalka haya. Islamarkaana wuxuu taageeray mowqifkii xisbiga Ucid ku sheegay inay xildhibaanadda soo bedelayaan.
Gudoomiye Cirro wuxuu sheegay inuu sharci ka yaallo xildhibaanka ka taga xisbigiisa inuu waayayo xubinnimadda kursiga.
Gudoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews “Xildhibaanadda Xisbiga Ucid ka soo baxay, inay xisbigii ay ka soo baxeen ka tagaan sharciga ma waafaqsana. Waxayna ila tahay in arrintaasi sharci ka yaallo oo xildhibaankii ka soo baxay xisbiga UCID wuu waayayaa xubinimadiisa kursiga sidaas buu sharcigu qabaa. Xaq baanay u leeyihiin xisbiga UCID inay soo badashaan.”ayuu yidhi cirro