Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr Antnio Guterres ayaa waxaa uu goor dhaweyd booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Moqdisho ee caasimada dalka Somaliya
Ujeedka ugu weyn ee uu xoghayuhu u yimid magaalada Moqdisho ayaa waxaa wariyayaasha shabakada llaysnews.com ee ku sugan magaalada Moqdisho ay sheegaan in ay tahay arimaha abaaraha xoogan ee ka jira dalka Somaliya
Sidoo kale amaanka magaalada Moqdisho gaar ahaan amaanka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo adkeeyey
Booqashadan xoghayaha guud ayaa waxaa ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee uu ku yimaado magaalada Moqdisho waxaana la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweyne Farmaajo