Bayern Munich ayaa marti ku ah Emirates Stadium iyadoo aan qabin cabsi badan marka laga reebo iney dhacdo mucjiso uusan qof walba fileynin.
Natiijo ay u fahmeen iney kaga filnaan karto u gudbidda wareegga xiga ayey kusoo gaareen Allianz Arena, balse marnaba hamiga Arsenal ee kulanka caawa ma hungoobi doono ilaa ay danta u run sheegto, waxaase hubaal ah iney caawa dagaalami doonaan wiilasha Wenger ilaa daqiiqadda ugu dambeysa.
Ancelotti wuxuu doonayaa inuu talaabo u qaado inuu kooxdii sadexaad u qaado Champions League madama uu horay ugu soo qaaday Milan iyo Real Madrid.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Arsenal vs Bayern Munich
Tartanka: Champions League
Garoonka: Emirates Stadium
Garsoore: Anastasios Sidiropoulos (Greece)
Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)
Isku-Cel-celis: Bayern Munich 5 – 1 Arsenal
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Mesut Ozil ayaa seegi doona kulanka caawa sida uu xaqiijiyay Arsene Wenger, waxaana la ogaa inuu seegay safarkii Merseyside markaas oo kooxdiisa 3-1 lagu soo dilay.
Aaron Ramsey oo ahaa badal aan la adeegsan kulankii Liverpool ayaa caawa diyaar ah waxeyna u badan tahay inuu qeyb ka mid ah ciyaari doono kulanka.
Dhinaca kale Ancelotti ayaa kursiga keydka dhigay Mats Hummels, Arjen Robben, Franck Ribery iyo Xabi Alonso kulankii ay guusha ka heleen Cologne todobaadkaan taasoo cadeyneysa iney caawa safka hore yahiin badi.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Labadaan kooxood 11-jeer ayey iska hor yimaadeen , 7-jeer oo ka mid ah afartii sano ee lasoo dhaafay, Bayern ayaana ah kooxda awoodda ku taameysa mar walba 6-guuul, 3-guuldaro iyo 2-barbaro ayaana lagu kala baxay, kulankii ugu dambeeyayna waxaa Gunners lagu xasuuqay 5-1.
Markii ugu dambeysay oo ay labada kooxood ku kulmaan Emirates, Gunners ayaa 2-0 ku badisay laba gool oo ka timid Giroud iyo Ozil waxeyna aheyd wareega group-yada.
Tan iyo bilowgii 2003/2004, Arsenal kaliya waxey lumisay 10-kulan, 62-jeer oo ay gurigooda ku ciyaareen kulamada horyaalka, 6-ka mid ah guuldarooyinkaas waxey kusoo gaareen wareegyada bug-baxda.
Lix ka mid ah guuldarooyinka bug baxda kusoo gaaray afar ka mid ah waxey kusoo gaareen wareega 16-ka, 2-ka mid ahna Bayern ayey ka heshay 2013 iyo 2014.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Arsenal:
Ospina; Bellerin, Koscielny, Mustafi, Gibbs; Ramsey, Xhaka, Walcott, Iwobi, Sanchez; Giroud
Bayern Munich:
Neuer; Rafinha, Martinez, Hummels, Alaba; Alonso, Kimmich, Ribery, Muller, Robben; Lewandowski