Arsenal ayaa dooneysa inuu tababare Arsene Wenger go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa dhamaadka bishaan.
Wargeyska The Sun ayaa qortay in Wenger uu la kulmi doono madaxda kooxda inta lagu maqan yahay ciyaaraha caalamiga seddex isbuuc ka dib.
Macalinka reer France oo 67 sanno jir ayaa yiri: “Wax go’aan ah lama gaarin, mana jirto sabab qodobkaan loogu soo laablaabto waqti xaadirkaan.
“Waxaan halkaan joogaa 20 sannadood, waxaana i soo martay fursado badan oo aan ku bixi karay.
“Uma baahni inaan ka dhaadhiciyo cidna in dookheyga uu ahaa mar walba Arsenal.
“Shaqo kama raadinayo kooxo kale ama shaqo dadka kale ay leeyihiin raadis uguma jiro.
“Kooxda xor ayay u tahay inay go’aankii ay doonto qaadato, waana ixtiraami doonaa.”
Wenger ayaa loo soo bandhigay heshiis cusub oo labo sannadood uu ku sii joogayo Emirates laakiin weli ma uusan aqbalin.
Waxaana uu qirtay inuu tababare sii ahaan doono xilli ciyaareedka soo socda xitaa haddii ay ka dhigan tahay inuu koox kale macalin u noqdo.
Hubanti la’aanta mustaqbalkiisa ayaa keentay in madaxda Gunners ay jawaab ka dalbadaan si ay u sii qorsheeyaan xilli ciyaareedka soo socda iyo wixii ka danbeeya.
Tababarayaasha u sharaxan inay Wenger ka bedelaan Arsenal waxaa ka mid ah macalinka Sevilla Jorge Sampaoli, tababaraha Juventus Max Allegri iyo macalinka kooxda Red Bull Leipzig Ralph Hasenhuttl.
Go’aankii uu Luis Enrique ku gaaray inuu Barcelona isaga tagayo dhamaadka xilli ciyaareedka ayaa sidoo kale xiiso gelin doonta Arsenal.