War Deg Deg Ah:- Maxaa Kasoo Kordhay Fadhiga Saaka Ee Golaha Guurtidu U Balansan Yihiin Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo+Xasaasi?

Iyada oo ay saaka ku beegan tahay wakhtigii rasmiga ahaa ee ay golaha guurtiddu u balameen in ay ka doodaan muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo Ayaan ilaa hadda furmin.

Waxaana fadhigan oo wali saxaafaddu ay dabad joog ka tahay hoolka shirarka ee golaha guurtida ayaa waxa la sheegay in aanay ilaa hadda fadhigaasi kasoo xaadirin 21-kii  xildhibaan ee guddiga ahaa ee loo xil saaray in ay kasoo talo bixiyaan wakhtiga ugu macquulsan ee muddo kordhin loogu samayn karo xukuumadda,waxaana ay ku jiraan shir sida la sheegay,waxaana hoolka shirarka ee golaha guurtida kasoo xaadirey badiba xildhibaanadii golaha guurtida,wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo waliba masuuliyiinta saddexda xisbi qaran.

Waxaana sidoo kale la sheegay in xubnahan 21 xildhibaan ah ay isku mari la yihiin wali muddoda ugu macquulsan ee loo kordhin karo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyaga oo xoguhuna ay Wargane u sheegeen in xubnahan ay kala wataan afkaar ah in xukuumadda loo kordhiyo muddooyin kala duwan oo kala ah Lix Bilood,  Hal-Sanno, Hal-sanno iyo Badh iyo Laba Sanno,halka ay warar kalena tibaaxayaan in xubno kamid ah guddigan ay iyagu wataan muddo ah 15 Bilood.

Sidoo kalena hoolka shirarka ee golaha guurtida ayaa waxa ka jira buuq iyo sawaxan hadheeyey golaha,iyaga oo la sheegayo in xildhibaano ka tirsan goluhu uu dagaal gacan ka hadal ah ku dhex maray golaha dhexdiisa,sidoo kalena xildhibaano ayaa iyaguna iskaga soo dareeray golaha iyaga oo sheegay in xarunta golaha lagu xareeyey ilaa 8-dii subaxnimo ee saaka ilaa haddana aan la hayn xubnihii Guddiga ahaa,waxaana xildhibaanadaa kasoo dareeray  kamid ah xildhibaan Gacan.

Sidoo kalena waxa iyagu hoolka golaha guurtida xaadir ku ah masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID iyo waliba wasiiro ka tirsan xukuumadda kuwaas oo sugaya go’aanka ay golaha guurtidu ka gaadhaan muddo kordhinta.

Jawiga saaka ee golaha ayaa ah mid kacsan iyada oo aan ilaa haddana la garanayn halka ay sal dhigan doonto muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda iyo waliba go’aanka ay kusoo heshiiyaan xubnaha guddiga ah ee ay la hor yimaadaan golaha.

ISHA KU HAY SHABAKADDA WARGANE NEWS OO LIVE AH IIDIN LA SOO SUCOD SIIN DOONTA MUDO KURDHINTA

Comments

comments