Qiimaha sarrifka Doollarka, ayaa halkii ugu sarraysay gaadhay tan iyo markii ay Xukuumadda Somaliland ka soo saartay go’aamada lagula dagaalamayo sicir-bararka Qiimaha lagu kala Sarrifto Dollarka isla-markaana kor loogu qaadayay qiimaha shillilnka Somaliland.
Warka 1-aadKor u kaca sarifka ama isu-bedelka lacagta dollar-ka ee shillinka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey lagu sarrifayey $100 Dollar lacag dhan 8,40,000 gacanta hore taasoo ka soo hor jeeda digreetadii Madaxweynaha Somaliland ee lagu meel mariyay qiimaha Dollarku in aanu dhaafi karin 7000 oo shillinka Somaliland ah.
Waxaa kale oo aan la garanayn illaa imika qiimaha gacanta dambe ee Dollarka lagu kala iibsanayo taasoo iyadu noqotay wax suuq madaw lagu kala iibsado, taasi oo illaa hadda Dawladda Somaliland maarayn kari la’dahay.
Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaax-nuug (Buraale) oo Warbaahintu waydiisay sababta ay Dawladdu wax uga qaban la’dahay Arrintan ayaa sheegay in aan la fulin Wareegtadii Madaxweynuhu ka soo saaray Qiimaha Sarrifka Dollarka “Wareegtadii Sarrifka Dollarka ee Madaxweynaha Dadka qaar way fuliyeen, qaarna may fulin, waan u digayaa inta ka dhego-adaygaysa.”
Marka aad Hargeysa joogto waxa Boqolka Dollar ee aad Adigu sidato laguugu sarrifayaaa 8.60,000 kun (8 boqol iyo Lixdan kun), laakiin marka aad Lacag Shilinka Somaliland ah sidato waxa boqolka Dollar lagaaga iibinayaa 8.85000 kun oo Shilinka Somaliland.
Qiimaha Sarrifka Dollarka oo haddaan Gacan adag wax lagaga qabanin gaadhi kara in Boqolka Doollar lagu kala sarrifto Hal Milyan oo Shilin oo uu hadda ku dhow yahay, ayaa wuxuu Saamayn ku leeyahay Qoysaska Danyarta ah ee reer Somaliland, maaddaama oo Qiimaha Raashinka Quutal-daruuriga ah lagu Sar-gooyo Sarrifka Dollarka.
Abaarta
Sicir-bararka Dollarka, ayaa ku soo beegmaya Xilli ay ka sii dareyso Abaarta ka jirta inta badan Dhulka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland, taasi oo ku dhow inay isku beddesho Macaluul, maaddaama oo Xoolihii dhammaadeen, isla-markaana Xaaladdu ku dhowdahay in Dadku u dhamaadaan Baad iyo Biyo la’aan iyo weliba Xanuunnada ka dhashay Abaarta, sida Shuban-biyoodka iyo Oof-wareenka, kuwaasi oo hore Dad u badan Carruur ugu dilay deegaanno ka mid ah Somaliland.
Muddo-kordhinta
Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Xukunka Dalka la wareegtay Boqolka Dollar oo lagu kala Sarrifto inta u dhexeysa 6.50.000 (lix boqol iyo Konton Kun) illaa 700,000, ayaa Muddada ay Xilka haysa oo dhan 7 Sannadood waxa uu Qiimaha Sarrifka Dollarku gaadhay halka uu Maanta marayo.
Xukuumadda oo doonaysa inay wax ka qabato Qiimaha Sarrifka Dollarka, ayaa soo saartay Wareegto ay ku xakamaynayso Qiimaha Sarrifka Dollarka, laakiin kumay guuleysan oo wuuba ka sii daray, taasi oo muujinaysa in Xukuumaddu ku fashilantay la socodka Maamulka Lacagta, maaddaama oo kor u kaca Qiimaha Sarrifka Dollarku uu mar walba Saamayn ku leeyahay Nolosha Shacabka.
Wallow ay Dalka ka jiraan dhibaatooyin badan oo Sicir-bararka Maceeshadda iyo Dollarka ah iyo weliba Abaaro u baahan in gurmad laga gelo, ayaa waxa Laamaha Dawladda Somaliland ku mashquulsan yihiin in markii Labaad Muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, ka dib markii sababo dhowr ah awgood laba jeer Doorashadu dib ugu dhacday