waxaa caawa abaaro saacadu markay ahayd sagaalkii fiidnimo isku daldadalay magaalada Hargaysa gaar ahaan xaafada Satate-houseka wiil dhaliinyaro ah oo lagu magacaabi jiray xasan Yamani.
Wiilkan oo 20 jir ahaa ayaa sida ay la sheegay isku daldalay geed ku horyaal xaafadooda ayaa goor danbe la arkay isaga oo maydkiisu ka laadlaado geedka uu isku daldalay oo aan ka fogayn gurigooga.
Wiilkan yar oo dhalinyarada ah ayaa ka mid ahaa ardaydii ka qalin jabisay sanadkii 2016 dugsiga Faarax Omaar balse aan awood u helin in uu galo wax Jaamacad ah waxaanay wararka aanu ka helayno ay sheegayaan in wiilkan is daldalay walaalkii isaguna dhawaan ka mid ahaa toban dhalinyaro ah oo ka tahriibay xaafada Statehouseka ilaa hadana aan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Si kastaba ha ahaatee dhalinyarada Somaliland ayay soo wajahday duruufo badan oo qalafsan iyada oo ay ka sii dartay xaalada ay dhalinyartu ku sugan tahay taasna waxaa u sababa inay qaarkood is daldelaan qaarna ay wadanka ka tahriibaan oo ay bada isku biimeeyaan waxbarashada markay dhamaystaan ee ay waayaan wax shaqaa qaar kalena ay soo food saarto waalid kooda oo u tahli kari waaya lacagta bisha guud ahaan somaaliland waxaa ku soo badanaya inay dhalinyartu kasii tahriibaan qaar kalena ay budhcad dhuleed noqdaan oo ay habeenkii dadka baadha xukumada somaaliland wax haba yaraatee ay dhalinyarta u qabatay majirto aan ahayn balan qaad waana ayaan daro in ay xukumada wax u qaban wayday ubixii wadanka