Somaliland: Sheekh Aadan Siiro Oo Xukuumadda Talada Haysa Ku Tilmaamay Mid Umaddii Qancin Kari La’ Oo Ku Mashquulsan Maxaa La Yidhi, Dalkiina Jaho Wareer Galisay

Date:

“Wasaarad Walba Waxay Noqotay Tukaan Nin Leeyahay Oo Reerkooda Uu Ku Ururiyo, Ummad Uu U Shaqaynayaana Aanay Jirin”.Sh Aadan Siiro

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa walaac weyn ka muujiyey qaabka masuuliyad darrada ah ee maamulka dalka ka jiraa maanta umadda u hogaamiyo isaga oo ka sheekeeyey qiimaha uu Islaamku siiyey masuuliyadda iyo in dadka talada loo dhiibaa si wanaagsan uga soo baxaan taasi oo haddii ay dhici waydo dhibaatadeeda la arko. Sheekhu waxa uu si adag uga hadlay haddii si wanaagsan loo gudan lahaa masuuliyadda umaddan in dalkani gaadhi lahaa badhaadhe iyo horumar waara oo umaddu qani noqon lahayd balse taa baddalkeeda ay maanta saboolnimo u dhimanayaan markii masuuliyadda cidda u dhiibanaysaa ay noqdeen kuwo aan masuuliyaddii ka soo bixin.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) waxa uu sidan ku sheegay khudbaddiisii Salaadda Jimce ee shalay ee masaajidka Xawaadle taasi oo uu si weyn oo faahfaahsan ugu qaadaa dhigay dhibaatada maanta qarankeenan Somaliland haysata iyo halka dhibaatadaasi ka unkamaysaa in ay tahay masuuliyadda umadda oo noqotay mid tukaan ah oo qof leeyahay sida uu doonana ugu tasarufayo haddii dadka wanaagsan loo dhiibi lahaana ay dadku hagaagi lahaayeen isaga oo sheekhu sheegay in ay kuwa xilka maanta hayaa umaddii qancin kari la’yihiin, jiho ay u wadaana aanay jirin masuuliyaddii saarnaydna kasoo baxayn.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “In aad Masuuliyad qaaddaa waa in aad dareento in ay dareenkaaga wada gasho in aad si wanaagsan u gudato waxaasi aad masuuliyaddiisa qaadday oo aad daacad iyo ikhlaas ka ahaato. Waa in aad ka run sheegtaa masuuliyaddaasi oo aad ilaahay dartii u qabataa. Waa in ay isku mid ahaadaan waxa aad qabanaysaa marka aad kalidaa tahay iyo marka aad dadka la joogto. Masuuliyaddu ma aha maanta sida aynu nahay iyo kuweenan xilalka haya sida xildhibaanada iyo wasiirrada oo kale ee iyaga oo cirroobay haddana go’aamada ay qaadanayaan ay ka duwan tahay halka umaddu u jeeddo iyo halak uu isagu u jeedaa in ay kala duwan tahay. Islaamku nidaam buu keenay qof waliba masuul yahay. Masuuliyaddu ay ka bilaabmayso qofka, guriga ka bilaabmaysa oo la kala leeyahay, sidaa u fidayso ilaa ay gaadhayso xaakimka ugu sarreeya”.
“Imika magaaladii maxaa ka jira?. Hablihii masoo baxaan, caruurtii ma soo baxayaan. Hablihii oo dhan waxa laga dhaadhiciyey heblaayaa la qaatay. Imika xaafaddan Masaajidku ku yaallo laba hablood baa la la’yahay. Inan jimcihii 8aad ka hor gurigaaban isa soo hor taagay oo ay sii muuqato meeshii inanta Siliigga laga galiyey. Dawladdaa dhammi waxa ay ku mashquulsan tahay Masaajidkii Xawaadle maxaa laga yidhi maanta?. Waxay ku mashquulsan tahay hebel yaa hadal hayay. Magaaladii oo dhan caruurtii intaasoo shaqaale ah ayay leeyihiin umaddiibay qancin kari la’yihiin, intaasoo ciidan ah intaasoo boolis ah ayaa jira. Yaa masuuliyaddaasi leh?. Habeenbaa Madiina fardo ka dideen, waa markii umadihii hore gaadiidka ugu weyni fardaha u ahaayeen ee habeenkii la is gali jiray bay ahayd. Iyada oo dadku oogsan yahay oo la wada naxsan yahay ayuunbuu Rasuulkii Ilaahay SCW halkaasi ka soo baxay isaga oo faras fuushan aan markaasi koore lahayn. Ha baqanina buu yidhi nabigu waannu tagnay meeshii idinka oo aan ogayn sahakii waannu soo sugnay fardo diday bay ahaayeen ee cidi inama ay galine is dejiya ayuu yidhi Nabigu. Taasi ayay masuuliyaddu ahayd. Isaga ayaa sugu jiray nabadgelyada dadka Rasuulku” ayuu yidhi Sheekhu isaga oo intaasi hadalkiisa ku sii daray:
“Bal imika dalkan orod oo eega. Wasaarad walba oo aad tagto waxa ay noqotay tukaan nin leeyahay. Reerkooda ayuu ku ururinayaa wakhtiga uu doono ayuu imanayaa. Wakhtiga uu doono ayuu isaga tagayaa. Haddii uu doono inta uu doono soo shaqo tagi maayo. cid allaaliyo cid aad uga ashkatooto ma leh. Noloshii iyo wareegeedii ayaa innagaga xidhan oo waxa weeyi noloshii baan shaqaynayn oo mid walba waxbaa kaaga xidhamaya. Qaar baad raadinaysaa bil waa warqad yar saxeexeed. Wuu maqan yahay, muu iman, muu soo toosin, bani aadamka wax walba waa la tijaabiyey xoog halagu hayo kama shaqayso. Bal umaddan bani aadamka ah ee muslimka ah ee ilaahay SWT halkan ku abuuray ee 60-ka sanadood soo leeleelaysay ee Kitaabkii aan raacayn, sunnihii aan raacayn ee aan caqligii basharku intii uu garanayayna ku shaqaynayn eeg. Side doonaysaan in aynu u noolaano oo dadku wax u noqdaan. Ilaahay nimcooyin badan ayuu inna siiyey haddana waynagaa gaajo u dhimanayna. Waar intii hore way inan dhaafeene waad ogtihiin nolosha leeleel ayaynu ku soo dhammaysanee waar bal wixii dambe halaga fiirsado”. Ayuu sheekhu ku soo gunaanaday khudbaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...