Somaliland: 12 Sano Ka Dib Gudoomiye Ciro Oo Macasalaamaynaya Gudoomiyaha Wakiilada,Baarqabada Mucaaaradka Iyo Muxaafidka Oo Isku Miciyo Lisanaya

Date:

12 Sano Ka Dib Gudoomiye Ciro Oo Macasalaamaynaya Gudoomiyaha Wakiilada,Baarqabada Mucaaaradka Iyo Muxaafidka Oo Isku Miciyo Lisanaya

Ilo xogaagala oo wargeyska SAHAN helayo ayaa tibaaxaya in guddoomiya golaha wakiiladu banyan doono mansabka hogaamineed ee baarlanaanka kaas oo loo balamay kalfadhiga 33aad ee furmaya maalinta bari ah waxaana guddoomiye cirro wadaa mudanihii buuxin lahaa jagadiisa,

ilo diirada ku haya dhaq-dhaqaaqa golaha ayaa sheegaya in maalinta bari ah lagu waddo in cabdiraxbaan cirro macasalaameeyo golaha wakiilada Somaliland.

Xukuumaadda Somaliland ayaa wadda badelka guddoomiyaha golaha wakiilada somalliland waxaaney wadaa laba muddane oo ka soo jeeda gobolada bari Somaliland kuwaas badelkooda noqonaya xildhibaan saleebaan cali koore iyo baashe maxamed faarax halka guddoomiye ku xigeen ay uwadaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaanle oo hayb ahana ka soo jeed gobolada galbeedka Somaliland saddexdan masuul ayaa ah mudanayaal ay wadaan xukuumadda Somaliland taas oo u xadhko xidhatay in golaha wakiiladu noqdo mid muxaafid ah laguna saleeyo wadalahaanshaha nidaamka dawliga ah si loo saxal saaro tabashadii gobolada bari gaar ahaan beesha harti waxaaney guclo orod ugu jirtaa in golaha wakiilada Somaliland la wareegto.

Xukuumada Somaliland iyo xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ku xifiiltamaya in midba dhankiisa la wareego awooda wakiilada guddoomiyaha baarlamanka ahna murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ina dhankiisa wadaa in xildhibaan talyanle oo ka mid ah xisbiga waddani uu lawareego hogaanka golaha wakiilada Somaliland.

Dhanka kale ilahan ayaa tibaaxaya in ay jiraan 25 xildhibaan oo udaacad ah guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland kuwaas oo difaac u ah inay kagalaan xildhibaano iyagu maagan in ay u hiiliyaan damaca cirro ku doonayo in xisbigiisu hogaanka fadhiistaan si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhursugayaaba waa kalfadhiga bari ka furmaya xarunta wakiilada ma noqon doonaa mid mucaarad mise mid hirgaliya danta mucaafidka oo laga daalacdo hogaanka wakiilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...