Labadii sannadood ee u dambeeyay waxa isa soo tarayay isbedel u muuqda mid aan u wanaagsanayn Somaliland oo ku soo kordhaya xidhiidhkii Somaliland iyo Ingiriiska.
Ingiriiska ayaa lagu tilmaamaa dawlad siyaabo badan oo siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed u taageerta Somaliland, waxaanay taageeradani salka ku haysaa xidhiidhka guunka ah ee u dhexeeya labada wadan. Hase yeeshee Inkastoo aan la hayn xog rasmi ah oo muujinaysa isbedel taban oo ku yimid xidhiidhka labada dal, haddana ifaafalaha muuqda ayaa muujinaya in dib u socod uu ka muuqdo xidhiidhkaas.
Tusaale ahaan labadii safar ee u dambeeyay ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagay dalka Ingiriiska, ma jirin wax kulan ah oo dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda Ingiriiska, waana wax cusub marka la eego heerkii uu xidhiidhku taagnaa oo ahayd in Madaxweyne Rayaale safarkiisii u dambeeyey uu la kulmay xoghayihii arrimaha dibadda David Miliband, halka uu Madaxweyne Siilaanyana mid ka mid ah safaradiisa la kulmay Raysalwasaarihii hore Mr. David Cameron.
Safarkii hore
Madaxweyne Siilaanyo oo hoggaaminaay wefti culus oo wasiiro ah ayaa bishii Oktoobar ee 2016, wuxuu safar ku tagay dalka Ingiriiska. Laba toddobaad oo uu Madaxweyne Siilaanyo dalkaas joogay ma jirin wax kulan ah oo uu la yeeshay xukuumadda Ingiriiska. Haddii laga tagi waayo wasiiradiisii xubno ka mid ah ayaa la kulmay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska.
Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, oo uu Geeska Afrika wakhtigaas wax ka weydiiyay sababta keentay in Madaxweynuhu labada toddobaad ee uu joogay Ingiriiska uu wax kulan ah ula yeelan waayay masuuliyiinta Ingiriiska, ayaa wuxuu ku dooday in safarka madaxweynuhu ahaa mid gaar ah islamarkaana aanay jirin wax balan ah oo ay la lahaayeen Ingiriiska.
Safarka Maanta
Madaxweyne Siilaanyo ayaa 18 February ee sannadkan 2017 wuxuu safar ugu baxay dalka Ingiriiska oo uu weli ku suganyahay. Madaxweynuhu mudadan ku dhow labada toddobaad wax kulan ah lama yeelan xukuumadda Ingiriiska. Madaxtooyada ayaa safarkan madaxweyne Siilaanyo ku sheegtay mid u gaar ah oo aan la faahfaahin.
Gunaanad
Inkastoo ay masuuliyiinta Somaliland ku doodayaan in safarka Madaxweynuhu ahaa mid gaar ah islamarkaana aanay baratakool ahaan ka sii samaysan balan. waxa se’ dabeecadda diblumasiyadda ka mid ah in hoggaamiyuhu dalka uu tago ee xitaa uu xaalad shakhsi ah u tago, ugu yaraan yeesho waqti uu salaan ugu tago masuuliyiinta dalkaas int ay u suurtogasho, waxa iyaduna aalaaba dhacda in haddii dalku uu xidhiidh fiican la’ leeyahay ay masuuliyiinta diblumaasiyaddu kulan aan caadi ahayn la qaataan madaxweynaha.
Marka la eego arrimaha Geeska Afrika oo xasaasi ah iyo xaaladaha hadda ka taagan Somaliland ee ay ugu horreyso dib u dhaca doorashada oo Ingiriisku gacan weyn oo caawimo ka geysto qabsoomiddeeda iyo arrinta saldhigga milateri ee Berbera oo dhowaan baarlamanka Ingiriisku wax ka weydiiyey xukuumadda dalkaas, waxaa sida caadiga ah la filanayey in masuuliyiinta dalkaasi ay iyagu xiiyeenba in ay ka faa’idaystaan fursadda oo la kulmaan madaxweynaha.
Arrimahani waxay muujinayaan isbedel ku yimid xidhiidhkii Somaliland iyo Ingiriiska, waxaanay dadka badankiisu arrimahan ku macnaynayaan midhaha ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinaha isdaba socda.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu u muuqdaa inuu noqonayo madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland soo mara ee socdaaladiisa dibadda u kala saara kuwo gaar ah iyo kuwo aan gaar ahayn, waxaana la dareemi karaa in Somaliland u baahantahay galaan-gal siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, maadaama oo ay tahay qaran aqoonsi raadinayana ay u baahantahay inay madaxdeedu uga faa’iideeyaan fursad kasta iyo dal kasta oo ay booqdaan.