Somalia: Kooxda Al,Shabaab Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Askar Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Ee Somaliya

Date:

Kooxda Al,Shabaab Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Askar Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Ee Somaliya Maxkamada Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka labaatan jirow ee gobolka Bay ka fulisay xukun dil ah oo lagu fuliyey askari ka tirsanaa ciidanka nabad sugida maamulka Koonfur Galbeed.

Ibraahim Aadan Qaasim oo 37 jir ah ayaa dhowaan u gacan galay Al-shabaab isagoo ku sugnaa hareeraha magaalada Baydhabo.

Ninkan ayaa waxay Maxkamada Al-shabaab ku eedeysay inuu ahaa basaas u shaqeynayey sirdoonka dowlada Somalia iyo kuwa reer Galbeedka, waxayna ku xukuntay dilka lagu fuliyey.

Dadweyne ku nool degaanka Labaatan jirow oo ay isugu yeereen Al-shabaab ayaa goob joog ka ahaa fulinta xukunkaas toogashada ahaa oo dhacay shalay gelinkii dambe.

Al-shabaab ayaa horey uga fuliyey degaanada ay weli kaga sugan yihiin Soomaaliya xukun sidan oo kale oo lagu toogtay dagaalyahano kooxdaas ka tirsanaa iyo dad kale oo lagu eedeeyey iney basaasiin ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...