Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa iska diiday wararka la xiriirinaya Inter Milan, balse wuxuu ka dhawajiyay in ka maqnaanta qoyskiisa ay tahay dhibaato weyn.
Macalinkii hore Juventus iyo qaranka Talyaaniga Conte ayaa Blues ka saaciday iney ugu sareyso horyaalka Ingiriiska, waxeyna kooxda kusoo xigta ka sareeyaan 10-dhibcood.
47-jirkaan waxaa lala xiriirinayay mudooyinkii dambe inuu dib ugu laabanayoItaly,isla markaana ay aad u eeganeyso Inter Milan, balse shirkiisii jaraa’id ee maanta ayaa la weydiiyay waxa kaga haboon inuu ka yiraahdo.
“Shaqsi ahaan? Maya” ayuu yiri mar la weydiiyay hadii Inter ay dalab miiska u saartay.
“Waxaan filayaa in xaaladdu aad u kala cadahay hadda”
“Waxaan heshiis kula jiraa Chelsea, waxaan isku dayayaa inaan sameeyo wax muhiim u ah kooxda waqtigan iyo mustaqbalkaba?
“Macalin walba marka uu bilaabo shaqo koox cusub, wuxuu rajeeyaa inuu joogo sanado badan, sababtoo ah waxey la micno tahay inuu u shaqeynayo si wanaagsan”
“Waxey joogaan ity, waxaan ka shaqeynayaa mustabalka inaan halkaan keeno, isla markaana aan si wadajir ah u joogno, sababtoo ah qoyskeyga wey ii xiiseen” ayuu yiri mar la weydiiyay hadii uu doonayo inuu qoyskiisa keeno London.