Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ku taamaya inuu dedaal badan geliyo sidii Somaliland dib ula midoobi lahayd Dalka Soomaaliya oo ay Madax-banaanideeda kala soo noqotay Sannadkii 1991-kii, ka dib Xasuuq Dawladdii Siyaad Barre u geysatay.
Madaxweyne Farmaajo oo Shalay hadal u jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey Raysal-wasaaraha cusub ee uu dhawaan Magacaabay Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doono sidii uu dib ugu midayn lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Ummadda Soomaaliyeed ee kala maqan Geed dheer iyo Geed gaabanba waanu u fuuleynaa sidii aanu u keeni lahayn Somaliland oo kale iyo Dadka Soomaaliyeed ee Shakigu ku kala dhex jiro.”
Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay, “Afarta Sannadood ee soo socda waxaanu ku shaqeyn doonaa Shacabka Taladooda iyo rabitaankooda.”ayuu yidhi.