Fadhigii ay saaka yeesheen mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa waxaa xildhibaanada golahaasi loogu qeybiyey ajandaha Kal-fadhiga 62 ee golahaas .
Ajandaha kal fadhigan ayaa waxaa ku jira muddo kordhin ay xukuumada madaxweyne Siilanyo golahaasi u sameyn doono mar labaad .
Waxaana xildhibaanada golahaasi la soo hor dhigi doona 28.02.2017 oo ku beegan maalinta Salaasada ah , balse lama oga in isla maalintaas ay u codeyn doonan mudada laga dhigaayo iyo in ay ka doodi doonan oo ay codeyntu dib u dhici doonto