Somaliland: “Inta Maanta Talinaysaa Maaha Intii Ummaddu Dooratay, Waxaan Leeyahay Sidaad Ku Waddaan Waa Halla Is-dilo…”

Date:

“Odaygaa (Siilaanyo) ee aynu ognahay duruufta Maanta ku xeeranna, Waar dhibta ka daaya..” Sheekh Aadan-Siiro

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaaladda Somaliland marayso, waxaanu Sheegay inay inta maanta talinaysa ee Xukuumadda oo wakhtigoodii sharciga ahaa ee Ummaddu dooratay dhammaaday ay wax ku wadaan in dagaal dhaco oo la is-dilo.

“Waxaannu aad uga xunnahay (Xadhigga) Maxamed Baashe Xaaji Xasan, ee Xukuumaddan Fashilantay ee Hantidii Ummadda koox yari qaadatay, ee Dadkiina soo wada ooteen oo ay bakhtiyayaan, ayaa marka Qof Aqoon leh oo Dalkan Taariikh ku lihi uu yidhaahdo waar waxaasi ma wanaagsan in la laad-laadiyo oo weliba loo diido inay intaas oo Qof oo Karaamo lihi inay soo salaamaan, loona geeyo waxyaabaha uu u baahan yahay, maaddaama oo la leeyahay Xanuunnada qaarkood buu leeyahay, Adeer waxaasi wax la aqbali karayo maaha.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Waxaanu intaas ku darya; “Waannu u sheegaynaa kuwa meesha fadhiya ee Mid walba Gurigiisa tobanka Gaadhi ee Laan-guruusallad aah dhigtay, Carruurtooduna Maraykan iyo Maleysia ee Dalalka Jaamacadahooda yihiin Sannadkii Lixdan kun oo Doollar ay u joogaan, iyadoo Dadkii soo wada ooteen isla-markaana Xaaladdu gaadhay in Neef gaajoonayaa uu ilmo Saddex bilood jiray uu qaybo Jidhkiisa ka mid ah cunay sidii dhawaan ka dhacday Bariga Somaliland. Dadka noloshoodu caynkaa tahay in la xidho Qof yidhi waxbaa innaga khaldan wax la aqbali-karayo maaha, wixii aynu ku heshiinayna sidaasi kumay jirin. Waxaanu leenahay ka daaya waa lagu duminayaa Sidaase, Waayo? ma jiro Qof ka dhashay Geed oo meel Cidlo ah fadhiyaa. Waxaanu leenahay Maxamed Baashe Xaaji Xasan hala siidaayo.”

“Islaamka Gudihiisa waxa laga yeeli waayay oo Cumar Binu Khaddaab laga yeeli waayay inuu Laba Go’ soo xidho isagoo Muslimiinta kale siiyey Min hal Go’ oo lagu yidhi waxba lagaa dhageysan maayo ee jooji khudbadda, innagana Aqoonyahankeennii baa fashilmay, hoggaankeennii baa fashilmay, Tujaarteenii baa fashilantay, Culimadii baa ku fashilantay in Dalkani noqdo Dal la wada leeyahay, hoggaan toosan hela, Ninka dhinaca ka rarana ku yidhaahda waar ka daa’…” ayuu yidhi Sheekhu.

Waxaanu Sheekha oo Shacabka la hadlayaa, yidhi; “Waxaan idiin leeyahay (Shacabka) dulmiga la dagaalama, Waar ha yeelina waxyaalaha qaarkood, aqbali mayno in la iibiyo Hantida Carruurteennu lahayd boqollaalka sannadood oo aynu Sacabka garaacno. Xukuumadda wakhtigeedu ku eg-yahay Bisha October, 2017 waxaanu leenahay awood uma lihidin wax khilaafsan waxaa aynu ku heshiinay. Odaygaa aynu ognahay Taariikhda uu ku lahaa Somaliland, ee aynu ognahay duruufta Maanta ku xeeranna Waar dhibta ka daaya, kuwaano la hadlaynaa way garanayaan.”

“Inta Maanta talinaysaa maaha intii Sharciga u lahayd ee Ummaddu dooratay, waxaanu leenahay sidaad ku waddaan maaha si Nabadgalyo ee waa hala is-dilo, Waayo? Dadku wuu hubaysan yahay, waana kala aragti, way qaybsan yihiin. Shacabka waxaan leeyahay Dulmiga ha ogolaanina, Waayo? Dulmiga oo la diidaa maaha in Dalka la duminayo, ee waa Daalimka la qabto oo la yidhaahdo Dalka ha duminin. Waxaanu leenahay hala siidaayo Ninkaa Aqoonta leh ee Maxamed Baashe Xaaji Xasan.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...