Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Fadhigooda ay yeelanayaan Sabtida Maanta waxaa horyaalla Dalabka Muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed-Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo la filayo inay markii labaad muddo-kordhin Maanta Qalinka ugu duugaan.
Muddo-kordhinta hortaalla Golaha Guurtida oo toddobaadkii hore Madaxweyne Siilaanyo Dalabkeeda u soo gudbiyey, isla markaana Maxkamadda Sare ee isla toddobaadkii hore dib-u-eegis ku samaysay qaraarkeedii hore ee muddo-kordhintii 2015-kii loo sameeyey Madaxweyna iyo Ku-xigeenkiisa, la filayaa inay maanta Mudanayaasha Guurtidu guda-galaan, taas oo ay Saddexda Xisbi, Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumaddu isugu soo raaceen in la kordhiyo muddo lix bilood ah oo dib loo dhigayo doorashada Madaxtooyada oo u muddaysnayd in la qabto 28-ka bisha 3-aad ee sannadkan 2017-ka.
Hase-yeeshee, markii la qiimeeyey xaaladda adag Abaarta Somaliland ka jirta iyo duruufta ay doorashada ku leedahay, ayey dhinacyada doorashadu khusaysaa isla qaateen in aanay suuragal ahayn in doorasho la qaban karo, iyada oo lagu jiro Abaarta baahsan ee Somaliland ka taagan. Sidaa daraaddeedna, waxaa la isku raacay in doorashada Madaxtooyada dib loo dhigo muddo lix bilood ah oo ka bilaabmaysa maalinta muddadii hore ee loo kordhiyey 2015-kii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo ku idlaanaysa 28-ka bisha afraad ee sannadkan 2017-ka, balse la isku raacay in la qabto tobanka bisha tobnaad ee sannadkan.
Muddada hortaalla Mudanayaasha Golaha Guurtida ee ay Xisbiyada, Xukuumadda iyo Guddiga doorashooyinku isku raaceen oo ay Beesha caalamka ee Somaliland doorashooyinka ka taageertaa ka biyo-diideen, ayaa aad Isha loogu hayaa inay muddo-kordhinta Guurtidu samayn doontaa waafiqi doonto iyo inay ka badin doonaan lixdaas bilood, iyaga oo Xisbiyada Mucaaradka ahi aad uga digay inay Guurtidu ka tallaabsadaan waxa la isla qaatay, uguna baaqay inaanay kordhin wakhtiga la isla qaatay ee lixda bilood ah wax ka badan.
Hase-ahaatee, waxa la dhawrayaa inay Golaha Guurtida oo Xildhibaannada ka tirsan Golahaas qaarkood hore u soo jeediyeen inaanay muddo lix bilood ahi ku filnayn duruufta abaareed ee lagu jiro iyo haddii Roob da’o inta Dadka kala hayaamay dib ugu noqonayaan deegaannadii laga diiwaangeliyey oo ay tahay inay a codeeyaan, inay waafiqi doonaan go’aanka dhinacyada doorashadu isla meel-dhigeen iyo inay wax ka badan kordhin doonaan-ba waxay kala caddaanaysaa markay u codeeyaan muddo-kordhinta cusub ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo Guurti ahaan awoodda koowaad Sharciga dalku siinayo go’aan ka gaadhista muddo-kordhinta iyo qiimaynta duruufta lagu salaynaya-ba.
Muddo-kordhintan maanta la filayo inay meel-mariyaan Mudanayaasha Golaha Odayaasha Somaliland, ayaa noqon doonta muddo-kordhintii labaad ee loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo ay muddadii shanta sano ahayd ee la doortay ku dhammaatay 27 Julay 2015-kii oo Golaha Guurtidu qalinka ugu duugay sannad iyo toban bilood oo aanay saddexda Xisbi isku raacsanayn ee ay Mucaaradku ka soo horjeedeen, wakhtigaana soo jeediyeen in lix bilood la kordhiyo, balse Guurtidu ka tallaabsatay soojeedintii UCID iyo Waddani. Waxaa sidoo kale muddo-kordhintan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee Guurtida hortaalla ku lammaan muddo-kordhin iyagana loo samaynayo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose.