Somaliland: Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Cabdikariin Axmed Mooge Oo Xaaladda Dalka Ku Sifeeyey Mid Foolxun Oo U Muuqaal Eg Tii Hore Looga Dagaalamay

Waxay Cambaareeyeen Ku Tacadiga Xuquuqda Muwaadinka Iyo Xadhiga Sharci-darrada Ah Ee Caadada Noqday

Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Cabdikariin Axmed Mooge Oo Xaaladda Dalka Ku Sifeeyey Mid Foolxun Oo U Muuqaal Eg Tii Hore Looga Dagaalamay

Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sidoo kale xukuumadda ku dhaliilay xadhiga ay u gaysatay Suxufi Maxamed Baashe Xaaji Xasan, waxaana uu soo jeediyey inaan lagu noqon wixii hore looga dagaalamay, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dhaqan xumadani inama dhaqdo haddii aynu wakhtigaa wakhtigiisii wixii aynu xusaynay aynu dib ugu noqono khasaare ayaynu ku jirnaa waxaasina dawladan maanta xukunka haysa ayay taariikhda ku galaysaa, kolkaas waxaanu leenahay caano daatay dabadood la qabayaye Maxamed Baashe sii daaya ayaanu leenahay, wixii dambi ah ee aad ku haysaan keena oo sharciyadda u soo mara oo halaga dacweeyo, haddii aad wax ku haysaana dee waad ka warami lahaydeen, laakiin waan iska haynayaa iyo waan iska cadibayaa iyo waxaasi waa wixii aynu ka soo dagaalanay, markaa shaydaanka iska naaroo malaha aadbuu idiin fuushan yahay oo inuu idinkaba degi war uma hayee xaqqa mara oo xaqdaradii aynu ka dagaalanay ha inagu celinina”

Geesta kale Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay inay ragga maanta talada hayaa ugu talo galeen inay muuqaal xun ka bixiyaan Somaliland, waxaana uu Cabdikariin Axmed Mooge xusay in xadhiga Maxamed Baashe uu la xidhiidho cabsi galin dadka lagu cabsiinayo in la xidhi doono haddii ay runta sheegaan ama ay hadlaan, isaoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xadhiga Maxamed Baashe iyo raggii ka horeeyeyba lagula kacay waa xadhigyo ujeedada laga leeyahay ay tahay in la aamuso oo dadka la cabudhiyo oo dalkan yar ee Somaliland ee loo soo dhintay ee la doonayo inuu qurux badnaado wadamada geeska afrika in laga dhino wadan foolxun oo xuquuqda qofka muwaadinka ah lagu tunto, markaa waxaanu leenahay waar ragga talada hayoow Somaliland ha foolxumaynina”.

Xukuumadda ayaa suxufi Baashe Maxamed Xaji Xasan ku soo eedaysay inuu mudaaharaadi gaadhay isla markaana uu dadka kicinayay, inkasta oo aanay keenin wax cadaymo ah.

Comments

comments