Somaliland: “Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya Waxaan U Malaynayaa …. ” Xaaji Cabdi Waraabe

Date:

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Somaliya, ee dhawaan la doortay, waxaanu sheegay inuu ka rajaynayo in aanu la mid noqon Madaxweynayaashii hore ee soo maray Somaliya.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Saldhiga Milatariga ee Somaliland Imaraadka ka siinayso Berbrera, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Saldhiga Milatari

“Imaraadka iyo Carab oo dhan fadhigooda weynu u baahnayn, Imaraadka waanu soo dhaweeynaynaa, ninkii caqli leh uu arkaayey in aanu Barlamaanka nina ka baydhin, dadka reer Somaliland wey mahadsan yihiin calankoodu ha raago”.

Xaaji Cabdi Waraabe mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko wararka sheegaya in heshiiskan ay Somaliya ka dambayso, oo Imaraadku soo maray Somaliya iyo Madaxweynaha cusub ee Somaliya wuxuu yidhi

“Hadal wanaagsan kama hayno Somaliya, warkaasna war uma hayno, laakiin Madaxweynaha Somaliya ee la doortay madaxtinimadiisu ha jirte waxaan u malaynayaa Madaxweynayaashii hore inuu dhaami oo uu caqli heli, oo doowgiisa garan oo waxaan leeyahay aynu noqono laba dal oo is caawiya, oo shirarka iska caawiya,wanaag baanu ka rajaynaynaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...