Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa goor dhaweyd hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa ugu waramey telefishanka Star ayaa waxaa uu fariin adag u diray xukuumada madaxweyne Siilanyo
Muddane Xirsi ayaa waxaa uu sidoo kale si adag uga hadley saldhiga military ee dawlada Imaaradka laga siinayo magaalada Berbera , waxaana uu tilmaamay in Somaliland halis uu keeni karo Saldhigaasi isla markaana waxaa uu sheegay in aanu isagu garaneen goor ay Somaliland qeyb ka noqotey dagaalada ka socoda dalka Yemen .
” In Heshiis Military la galo oo ciidan dalkeena la keeno waxaa ay u muuqaaa in halis badan dalkeena u keeni karto , dunidana looma yeedho ciidan qori sita oo aan dalkaaga u dhalan .
Ma ogi anigu dalkeenu goor uu qaatey in aynu dagaal galno oo ah dagaal aan dalkeeno loo dagaalameen , uma arko maslaxada dalkan in dagaal meel ka baxaya aynu u yeedhano ” ayuu yidhi