Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid oo ka mid ah Masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa war-fidiyeenada u faahfaahiyey kulan gaar ah oo xubno xibsigooda ka mid ahi shalay isugu yimaaddeen kaasi oo uu ku sheegay in uu daarnaa sidii ay u soo lafa guri lahaayeen mawqif cad oo xisbigoodu ka qaato qorshaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku damacsan tahay in ay saldhig Milatari dawladda Imaaraadka ka siiso Magaalo xeebeedda Berbera.
Xussen Axmed Ceydiid waxaa uu sheegay in ay shalay iyaga oo ah guddi uu xisbiga Waddani u saaray arrinta Saldhiga Berbera ay ka wada hadlayeen sidii ay u diyaarin lahayeen isla markaana u gorfayn lahayeen mawqifka uu xisbiga Waddani arintaasi ka qaadan lahaa oo dhawaan soo bixi doona sida uu hadalka u dhigay, isaga oo arrintaasi faahfaahinayaya waxa uu Xuseen Axmed Caydiid yidhi: “Waxa aannu Maanta isugu nimid xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI kuwaasi oo ah kuwo loo xir saaray oo xisbigu u saaray in ay soo diyaariyaan ama kasoo tala bixiyaan mawqifkii Xisbigu ka qaadan lahaa arrin beryahanba la hadal hayay oo ah Saldhigga Milatari ee xukuumaddu Imaaraadka ka siinayso Madaarka Berbera oo wararkeeduna aad isu soo tarayaan maalmihii ugu dambeeyey dhawaanna ay xubno Wasiirro ah oo xukuumadda ka mid ahiba Warbaahinta si cad uga sheegeen oo la leeyahay waxa la siinayaa dawladda Imaaraadka Carabta. Waxa aad arkayseen in arrinkaasi ay ka hadleen xubno Wasiirro ahi iyaga oo difaacaya go’aankaasi xukuumaddu gaadhayso ee ay saldhigga ku bixinayso”.
Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Arrintaasi ayaa Xisbigu guddidan u saaray in ay soo diyaariyaan mawqifkii xisbigu ka qaadan lahaa ee uu umadiisa iyo adduunkaba la wadaagi lahaa. Masuuliyiinta halkan fadhidaa waa masuuliyiintii xisbiga oo qaarkood dhinaca sharciga xisbiga u qaabilsan yihiin, kuwo kalena ka mid yihin Xildhibaanada qaranka oo ay ku jiraan xoghayayaal arrinkani khuseeyo oo ay hawlaha ay xisbiga u hayaan ay khusayso, waxa laga sugayaa in ay soo saaraan oo shaaca ka qaadaan mawqifkii xisbigu ka qaadan lahaa arrinkaasi qarankeena khuseeya maadaama aanu nahay xisbi qaran oo awood u leh in uu kaga hadli karo mawqifkiisana ka dhiiban karo arrintaasi. Markaa arrinkaasi ayaannu saaka (Shalay) isugu nimid kulankayagii ugu horreeyey ee koowaad meel fiicana waannu marinaynaa wakhti ka badan laba saacadood iyo dheeraad ah ayaanan saaka arrinkaasi u fadhinay oo meel wanaagsan ayaan marinaynaa ugu yaraanna waan dhadhawaysanay. Haddii Ilaahay yidhaa Mawqif cad baad dhakhso uga soo bixi doona Xisbiga. Arrintaasi marka aannu hogaanka ku celino iyo guddidii fulinta ee xisbiga si iyaguna wixii talo ah ee meesha le’eg ay iyana ugu daraan markaa kadib ayaa mawqifkii xisbigu si rasmi ah u soo bixi doonaa intaasi ayaan saxaafadda ogaysiinaynay in uu shirkayagina ku saabsanaa”. Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo guddidan u hadlay.
Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Saldhiga Milarari Ee Magaalada Berbera
Date: