Somaliland: Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaminayo Oo La Filayo Inay Safar Deg-Deg Ah Ku Tagan Dalka Itoobiye

Date:

Warar  xog ogaal ah oo uu helayo Shabakada Wargane ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo lagu wado inay socdaal ku tagaan magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya maanta iyo Bari midkood.

Ujeedada sodaalkan madaxwaynaha iyo waftigan uu hogaaminayo ay ku tagayaan dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay inay tahay martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen xukuumadda Itoobiya.

Ilaha aanu xogahan kasoo xiganay waxay tilmaameen in waftiga madaxwaynaha raacaya ay kamid yihiin wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi iyo xubno kale oo kamid ah golahiisa wasiirada,sidoo kalena wararka ayaa waxa ay iyaguna tibaaxayaan in maanta ay dalka Itoobiya kaga sii horeyn doonaan madaxwaynaha wasiirka madaxtooyada Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo uu kamid yahay sida la sheegay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murashaxa xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi.

Xogahan uu Shabakada Wargane kasoo xigtay ilahaa kala duwan ka sokow ma jiraan warar madaxbanaan oo kala xaqiijinaya jiritaanka arrimahaas oo kasoo  baxay dhinacyada ay khuseyso,sidoo kalena noomay suurto galin in aanu helno masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo aanu xaqiijinta arrimahaasi xidhiidh dhanka isgaadhsiinta ah aan kala samaynay.

 

Dhinaca kale ilo wareedyo xalay goor danbe soo gaadhay Shabakada Wargane ayaa tibaaxay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland ay la kulmeen madaxwayne Siilaanyo isla markaana uu  kala hadlay sida la sheegay sidii ay golayaasha dhexdooda ugaga ololayn lahaayeen meel marinta heshiiskaasi imaaraadku ku doonayo saldhigaasi Milateri ee Berera,kuwaas oo la sheegay in kulankoodan xalay uu kasoo shaqeeyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi “Obama” oo kamid ah  xildhibaanada xisbiga KULMIYE,waxaana xogahani ay tibaaxeen in xildhibaanadan xalay loo balan qaaday in lasiin doono lacag fara badan hadii ay ku guuleystaan meel marinta heshiiskaasi balse lama muujin xaddiga ay lacagtu leeg tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...