M/Siilaanyo Oo Khudbad Sannadeedkiisa Ugu Dambaysa Ku Dalbanaya Kiraynta Saldhigga Milatari Ee Berbera
Oo Xukuumaddiisu Doonayso Inay Ka Daba Gayso Wareejintii Dekedda Berbera + Xildhibaanadii Dhaameelka Ku Mamay Oo Durba Dhaqdhaqaaqoodu Istaadhmay Si Weyna Xalay Illaa Shalay Dhaqdhaqaaqooda Loo Dareemay
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayay wararku sheegayaan in uu shir degdeg ah iskugu yeedhay labada Gole Barlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland kuwaasi oo uu shalay soo gaadhsiiyey qoraal rasmi ah oo uu kaga dalbanayo kulan wada jir ah oo uu la yeesho.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola Aqalka Madaxtooyada Somaliland iyo Golayaasha qaranka ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyey codsi Madaxweyne Siilaanyo shalay ku socodsiiyey oo uu kaga dalbaday kulan fadhi wadareed labada Aqal ah oo degdeg ah kaasi oo aan la ogayn ujeedadiisa rasmiga ah balse wararkani sheegayaan in uu daarran yahay kulankii khudbad sannadeedka ee Madaxweyne Siilaanyo sannad walba horraantiisa ku tagi jiray labada aqal Baarlamaan oo uu sannadkan 2017 doonayo in uu ku soo xidho oo ay noqoto khudbaddiisii ugu dambaysay ee uu labada Aqal ka hor jeediyo taasi oo la filayo in ay qabsoonto Sabtida soo socota ee wiigga dambe.
Ilo-wareedyadan Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxaya in ajandaha ugu weyn ee Khudbad sannadeedka Madaxweynuhu noqon doonto codsi uu Golaha Wakiilada u jeediyo in ay ansixiyaan marka ay xukuumaddu hor keento heshiis hor dhac ah oo ay la soo galayso Imaaradda Abu Dabay ee dalka Imaaraadka Carabta oo rabta in saldhig Milatari xukuumadda Siilaanyo ka siiso Marsada Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil.
Dhinaca kale Warar xog-ogaal ah oo Foore helay ayaa sheegaya in ay xisbiyada qaranku ku kala aragti duwan yihiin xaaladda saldhiggan Milatari ee xukuumaddu bixinayso iyada oo la filayo in xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI maanta ama berri si rasmi ah ugu dhawaaqo mawqifkiisa ku aaddan saldhiggaasi halka xisbiga Mucaaridka ah ee UCID laftiisu aanu la dhacsanayn qorshaha xukuumadda walina aan la ogayn in xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE xukuumaddisa ku raaci doono qorshahan iyo in kale iyada oo sidoo kale wararka qaar tibaaxayaan in Guddoonka Golaha Guurtida Somaliland aanu la dhacsanayn qorshahan xukuumaddu dabada ka riixayso ee saldhigga Milatari ku saabsan. Saacadihii ugu dambeeyey waxa Huteelada waaweyn ee caasimadda qaar ka mid ah laga dareemeyey xildhibaano durba bilaabay dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha qorshahan xukuumadda iyada oo xildhibaano badan oo Muxaafid ahi isku diyaarinayaan in ay xukuumadda ku garab joogsadaan qorshahan ay damacsan tahay taa baddalkeedana ay qaataan qaddarkii dhaameelka ahaa ee ay ku hawl gali jireen marka ay jiraan mashaariic sidan oo kale ah oo ah maalmaha ay ugu gucle orodka badan yihiin.