Somaliland: Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Danbeeyey Ee Golaha Guurtida Iyo Maqifka Mud Kurdhinta Oo Cirka Ku Shararan

Date:

Golaha Odayaasha Somaliland ee Guurtida oo ay Hawlmaalmeedkooda ka mid tahay islamarkaana iyagu awooda u leh Mudo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Talada Haysa marka ay duruufti timaado ayaa wararka naga soo gaadhayaa ay sheegayaan inay gabo gabo kujiraan inay Go’aan cad ka soo saaraan mudada ku haboon qabsoomida Doorashada Madaxweynaha oo markii labaad mudo dhaaftay,miiskana u saaran.
Xogaha Hordhaca ah ee Wargeyska Foore soo gaadhay ee aanu ka helnay Xubno ka tirsan Mudanayaasha Guurtida ayaa noo taataabtay halka ay wax marinayaan iyo Warbixinihii ugu dambeeyay ee ku saabsan Wakhtiyada loo badaniyo inay Golaha Guurtidu isla meel dhigaan, waxaana ay noo sheegeen in dood adag wali ka dhex taagan tahay Golaha dhexdiisa oo aad la iskula jaf jafayo xiliga ugu haboon ee dadkeenu doorasho gali karo ee lagaga kaban karo Abaarta,waxaana jira gudiyo laga dhex sameeyay Golaha oo baadhis iyo odoros ku soo sameeyay xili roobaadyada,iyo wakhtiyada roobku ugu di’is badan yahay Wadankeena iyadoo sida ay noo sheegeen dadka arimahaasi ka faaloonayaa ay yihiin Xildhibaano dhaqan yaqaan ah oo aad wax uga yaqaana Xili roobaadyada kuwaasi oo ku jira Golaha,islamarkaana la hawlgaliyay.
Inkasta oo aad loo adkeeyay,lagalana dardaarmay Xildhibaanadu inay suuqa kaga sheekeeyaan arimaha hoose ee aan wali bislayn ee Golaha dhex yaala,haddana xogo hoose oo aanu ka helnay waxa ay noo qaxiijiyeen inay Roobabkan Gu’ga ee soo yeel yeeshay ay wax badan ka badaleen Qorshayaashii hore ee Golaha dhex yaalay,waxaanay wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka helnay Golaha guurtidu intaasi ku dareen in Doodihii ugu dambeeyay la iskula meel dhigay in dib loogu noqdo wakhtiga Odoroska ee ay hore u hayeen maadaama oo Cirku qurux badan yahay oo Roob ka da’ay deegaamo badan oo abaari ka taagnayd oo laga dayrinayay abaartii ka taagnayd, waxaanay sida la sheegay Dib iskula noqdeen Go’aan. Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Golaha Guurtida ayaa noo xaqiijiyay inuu jiro laba qorshe oo la sheegay inay ku kala aragti duwan yihiin Goluhu,Waxaanay wararku sheegayaan in labadaasi qorshe mid waliba taageero ka haystaoXildhibaanada Golaha. Xogaha aanu helnay ayaa sheegaya inay labadan Qorshe iskugu jiraan mid Wax lagu saayidinayo Wakhtigii ay soo qorsheeyeen Axsaabta siyaasada,Komishanka iyo Madaxtooyadu,oo sida la sheegay u badan in mudo bil ah lagu daro wakhtigaasi, iyo Qorshaha kale oo lagu sheegay inuu ku saabsan yahay sidii wax looga dhimi lahaa wakhtigaasi la soo qorsheeyay maadaama oo roobkii Gu’gu u egyahay inuu wakhtigii caadiga ahaa ka soo hormaray. Sikastaba ha noqotee,Waxa Golaha Guurtida laga sugayaa inay labadaasi qorshe mid uun badka keenaan oo ay cod ku soo meel mariyaan,si loogu diyaar garoobo Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...