Somaliland: Bixitaanka Saldhiga Milatari Ee Somaliland Iyo Olalaha Guulwadayaasha Qaranka + Lacagta Xaqul Qalnka

Date:

Bixinta Saldhiga Milatari Ee Berbera: Ololaha Guulwadaysan Ee Wasiirada Qaarkood, Khatarta Waddanka Kaga Imankarta Iyo Eryashada Lacagta Xaqul Qalinka.

Xukuumadda Somaliland ayaa siweyn ugu xusul duuban inay saldhig ciidan oo dal shishiiye markii ugu horeysay ka bixso waddanka Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera.

Ma xuma in cilaqaad waddamo kale lala yeesho, lakiin waxa muuqata in aanay khataraha arrintani leedahay uba muuqan Xukuumadda iyo xubnaha wada hawsha bixinta bayska Milatari, khataraha ugu waa weyn ee ku geedamaan Saldhigan Milatari ayaa ah. Waddanka la siinayo Saldhiga Milatari oo ah Dalka CImaraadka Carabta, kaas oo aan wax awood ah ku lahayn adduunka, iyadoo isaga laftiisa ay ilaaliyaan waddamada cududa Milatari leh ee rer Galbeedka, taas oo ka dhigaysa wixii uu colaad la yimaado Bayska Milatari ee ku dhaca Somaliland in aanu ka difaaci karin Imaraadku. Halka caqli gal ay noqon kari lahayd haddii la siinaayo waddamada Maraykanka iyo Ruushka oo difaaci kara Somaliland.

Sidoo kale waxa khataraha jira kamid, siday u dhabo gashay Shabakada wararka ee Somalilandtoday.com, qaybo kamid ah warbixinada ku dhaw-dhaw bixinta Saldhigan Milatarima ku ogaatay, maadaama oo aan la aqoonsanayn Jamhuuriyadda Somaliland, ogolaanshaha rasmiga ah ee Saldhigan waxa bixiyay Dawladda Federaalka Somalia, taas oo uu Imaraadku ka soo qaatay ogalaanshahooda in Berbera laga siiyo Saldhigaas, waana talaabo kale oo khatar ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo markii koobaad ay noqonayso in Somalia fasax dal kale u soo siiso gudaha Somaliland.

Bixinta Saldhiga Milatari ee Berbera laga siinaayo Imaraadka, waxa siweyn ugu foogan xubno kooban oo Wasiiro iyo Masuuliyiin kale ah, kuwaas oo u jeedada ugu weyn ee ay ka leeyihiin tahay dano dhaqaale iyo qaadashada xooga Malayiin Dollar oo xaqul qalin ah, balse may eegin dhibta iyo dheefta kooban ee ay ka helayaan mida Waddanka raad xumadda ku yeelan doonta.

Rajada qudha ee shacbigu qabo si loo horjoogsado mashruucan daymada fayow ka aradan, ayaa ah Xildhibaanadii dadku doorteen in kasta oo Guurtida lagu ajbaaray, in haddana ay ka dagaalamaan, sidoo kale Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee WADDANI ayaa laga dhawrayaa waxa ka soo baxa shirarka uu kaga shawraayo talaabadii uu ka qaadan laha arrinta bixinta Saldhiga Milatari ee Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...