Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Dablay hubaysan oo doraad Jid-gooyo ka samaystay Duleedka Galeed ee Magaalada Boorama.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon), ayaa sheegay in Dablaydu ahaayeen Koox dhallinyaro ah oo ka gadooday Maayar ku-xigeenkii hore ee Magaalada Boorama oo lagu xidhay halkaasi, laakiin markiiba ay halkaasi gaadheen Ciidamo loo diray, kuwaasi oo ku guuleystay inay Jidka furaan.
Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Koox dhallinyaro ah oo dablay ah oo ka gadooday xadhigga Maayar ku-xigenkii hore ee Boorame, ayaa duleedka Boorame ka galay jid-gooyo, laakiin markii dawladdu ka war heshay ciidamo ayaa ku baxay, muddo yar oo kooban ka dibna waddadii iyo isu socodkiiba dib ayay u bilaabmeen halkaana wax dhibaato ahi imika kama jirto.”
Wasiirku wuxuu sheegay in aanay wax khasaare ahi kala gaadhin Ciidamada Ammaanka iyo dablayda Jid-gooyada samaystay, “Ciidankii iyo kooxda dhallinyarada ahaa ee gadoodsanaydna wax khasaare ahi ma soo kala gaadhin, xaaladduna waa nabad-gelyo.” Wasiirka Arrimaha gudaha oo u warramay Warbaahinta Dawladda.