Hordhac: Hull v Liverpool – Reds Oo Weli Baadigoobeysa Guusheedii Ugu Horeysay Ee Premier League Ee Sannadkan 2017

Kulanka: Hull v Liverpool

Garoonka: KCom Stadium

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Lee Mason

Kooxda Liverpool wax guul ah ma aysan gaarin sida uu u dhashay sannadkaan cusub ee 2017 horyaalka, waxaana guushoodii ugu danbeysay ee Premier League ay aheyd 31kii December 2016 markaasoo ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Manchester City.

Tan iyo markaas waxa ay ciyaareen afar kulan bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waxa ay barbaro galeen seddex kulan oo ay ugu danbeysay kulankii Chelsea ee habeenkii Talaadadii halka kulanka kale laga badiyay.

Waxa ay u baahan yihiin inay wadada guusha ku soo laabtaan kulanka maanta ay u safrayaan Hull City haddii ay doonayaan inay qeyb ka sii ahaadaan tartanka horyaalka Premier League iyagoo haatan 10 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Chelsea islamarkaana ku jira kaalinta afaraad.

MAXAA KA CUSUB?

Xiddiga garabka ka dheela Kamil Grosicki iyo xiddiga amaahda uga soo maqan Villarreal Alfred N’Daye ayaa labadaba kulankoodii ugu horeysay u safan kara kooxda Hull.

Weeraryahan Dieumerci Mbokani ayaa diyaar ah ka dib markii uu ka soo laabtay koobka Qaramada Afrika, laakiin Lazar Markovic ayaan ka horimaan karin kooxda milkiyadiisa iska leh.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa heysta koox inta badan wada taam ah oo uu ka soo xusho shaxdiisa uu kala hortagayo Hull.

Weeraryahan Sadio Mane ayaa ku soo bilaaban kara kulankiisii ugu horeysay tan iyo 2dii Janaayo ka dib markii uu bedel ku soo galay kulankii Chelsea.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Hull City (4-1-4-1): Jakupovic; Meyler, Dawson, Maguire, Robertson; Huddlestone; Diomande, Evandro, Clucas, Tymon; Niasse.

Liverpool (4-3-3): Mignolet; Milner, Lovren, Matip, Clyne; Wijnaldum, Henderson, Lallana; Coutinho, Firmino, Sadio Mane.

MA OGTAHAY?

  • Hull ayaa badisay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay Liverpool kulan ciyaareen gurigooda lagamana badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay.
  • Kooxda Reds ayaa kaliya badisay labo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay iska horyimaadeen kooxda Hull.
  • Si kastaba, Liverpool ayaa 5-1 ku garaacday Hull kulankii Anfield ee horaantii xilli ciyaareedkan.

Comments

comments