Nin Xaaskiisa ka jaray labada dhagood iyo sababta arintaasi ka dambeysa oo la ogaaday (Daawo Sawirada)

Date:

Nin u dhashay dalka Afgaanistan ayaa dhacdo argagax leh kula kacay xaaskiisa, kadib markii uu ka maseeray in xaaskiisa ay rag kale la hadasho, waxa uuna ka jaray labada dhagood sida ay baahisay Idaacada BBC-da.

Zarina oo 24-sano jir ah ayaa sheegtay in Ninkeeda uu ka jaray labada dhagood kadib muran dhinaca qoyska oo soo kala dhax galay, waxa ayna intaasi raacisay in uu labada gacmood ka xir xiray kadibna uu dhagaha ka jaray.

Dhacdadanayaa ka dhacday gobolka Balkh ee ku yaalla woqooyiga dalka Afgaanistan , ciidamada booliiska ayaana baadi goob ugu jira ninka falkan argagaxa leh u geestay xaaskiisa oo la sheegay in uu u baxsaday degmada Kashinda.

Haweeneyda laga jaray labada dhagood ayaa hada xaaladeeda tahay mid wanaagsan marka laga reebo in ay walaacsan tahay, waxaana la geeyay xarun caafimaad oo looga daweenayo dhibka soo gaaray.

Zarina ayaa warbaahinta Pajhwor u sheegtay in ninkeeda uu hurdo ka soo kacay oo uu dhibkaasi u gaystay iyada oo aysan dhicin wax muran ah oo dhex maray xiligaasi, waxa ayna sheegtay in muddo dheer uu aad u xumaa xiriirka iyaga iyo ninkeeda.

Gabadhan ayaa sheegtay in ninkeeda marar badan isku dayay in uu u diido in ay booqato qoyskeeda, waxa ayna tilmaantay in ninkeeda uu qabay shaki la xariira in aan rag kale la hadleyso marka qoyskeeda aado.

Waxa ay sheegtay gabadhan dhibanaha in aysan rajo dambe ka qabin in nolol la wadaagto ninkeeda dhibkan gaarsiiyay, waxa ayna ka dalbatay booliiska in ninkaasi lasoo qabto lana horgeeyo cadaalada.

Dalka Afgaanistan ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca dhacdooyin argagax leh oo loo geesto haweenka, waxaana dhawaan dalkaasi ka dhacday in nin xasakiisa uu ka jaray sanka kadib markii uu muran soo kala dhax galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...