Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada amaanka Maamulka Puntland iyo kooxo hubeesan uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.
Kooxo aad u hubeesan ayaa weerar ku qaaday bar koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntlnad waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac dhax maray, waxaana dagaalka ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay dagaalka ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaa sidoo kale isbitaalada magaalada Boosaaso la gaarsiiyay dad kale oo ku dhaawacmay dagaalka caawa ka dhacay magaaladasai.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay isgoyska soddonka gaar ahaan wada dheer ee isku xirta kantaroolka laga soo galo magalaada iyo bartamaha Boasaaso, rasaasta la is dhaafsanayay ayaana si weyn looga maqlayay magaalada.
Amaanka magaalada Boosaaso ayaa mudooyinkan u muuqday mid faraha kasii baxayay, waxaana magaaladaasi ku batay dilalka qorsheesan ee loo geesto saraakiisha iyo Masuuliyiinta katirsan maamulka Puntland