Goobtani waa xarunta Maamulka gobolka Togdheer, dadkii abaaruhu caydheeyeen oo ay ka muuqato dayaca iyo diifta ay la tiicayaan ayaa qaarkood soo gaadheen gudaha Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana ah xarunta guddida abaaraha ee heer gobol
Waxaana maalin kasta Ku soo qulqula dad baahan oo ay abaartu saamaysay una baahan gurmad baad iyo biyo ah.
Qaar ka mida Dadka abaaraysan ee Maanta Soo gaadhay xarunta maamulka Gobolka Togdheer oo lahadlay Warbaahinta ayaa cabasho ka muujiyay guddida abaaraha iyo Maamulka oo ay sheegeen inay Markasta oo ay yimaadaan xarunta maamulka gobolka Togdheer ay maqan Yihiin.
Waxaanay sidoo kale dadkani abaaraysan ee nafahooda kula soo cararay xarunta gobolka Togdheer ay noo sheegen inay wax taakulo ah ka helin guddida abaraha una baahan yihiin gurmad raaashin iyo biyo ah si ay nafahooda ugu badbaadshaan.
Si kastaba haatee xarunta maamulka gobolka Togdheer ahna xarunta Guddida abaaraha ayaa maanta ahayd mid albaabadu u xidhan yihiin walow dadka abaaraysan ee halkaasi ku sugnaa aanay ka rajobeelin inay helaan masuuliyiintii qaabilsanaa Abaaraha.