Maayirka Degmada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac Cawad ayaa ka warbixiyey xadhig ay kula keceen ciidanka Liyuu Booliska Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee Degen Magaaladda Balli-gubadle ee dhinaca Itoobiya, waxaana uu sheegay in la xidhay Subaxnimadii maalintii Axaddii lana soo daayey sideeddii habeennimo isaga iyo askarigii ilaalinayey, waxaanay u sheegeen in ay ku xidheen shaqaaqo ka dhacday deegaanka wajaale oo Askar Liyuu boolis ah ciidanka Somaliland ka qabteen.
Guddoomiye Cabdi Iimaan Jaamac Cawad oo u waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in uu xadhiga lagula kacay ahaa mid shir qool ah oo uu ku eedeeyey in uu ka dambeeyey guddoomiyaha degmada Xarshin ee Killika shanaad, waxaanuu sheegay in loola dhaqmay si bilaa ixtiraam ah oo aan wanaaagsanayn, isaga oo tilmaamay in ay wax u dhimayso arrintaasi wada shaqayntii labada dhinac iyo xidhiidhkii ka dhexeeyey.
Maayirka Degmada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac Cawad oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi
“Waxa ay nagu xidheen ma garanayo, wada shaqayn ayaa naga dhexaysay inta ay Telefoon igula soo hadleen ayaa aniga iyo Askarigaygii ilaalada ahaa u tagnay oo hawl ayey iga doonayeen oo waanu wada hadalnay markii hore waanan ka soo noqday waa shalay (Doraad) ilaa sideedii iyo badhkii subaxnimo meelahaas, ka dibna aniga oo xafayskayga jooga ayaa waxa ila soo hadlay Ninka Taliyaha Liyuu Booliska ah ee Dhinaca Itoobiya jooga oo waxabaanu ku waydiinaynaa noo kaalay ayuu yidhi waanu u tagnay aniga iyo askarigaygii, xerada ayaanu ugu tagnay markaa waxa xerada jooga oo fadhiya guddoomiyaha degmada Xarshin, waxa nala yidhi uun fureyaasha iyo Moobilka keena anagana waaba nala xareeyeyba, si bilaa dhaqan ah oo bilaa Ixtiraam ah ayaa naloola dhaqmay oo illaa markaa koonbo biyo ah nalama siinin, ka dibna sideeddii habeenimo ayaa la ii yeedhay aniga waxa ay igu yidhaahdeen amar ayaanu kugu xidhnay oo waa shaqaaqadii ka dhacday dhinaca wajaale ee Liyuu booliska, waxaan ku idhi isma quseeyaane kaasina waa gobol halkanina waa gobol, kuwa ciidanka ahi sidaas ayey afkoodii ka dhegeen laakiin anigu ma aamin sani”
Cabdi Iimaan Jaamac Cawad oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey
“Anigu waxaan u aanaynayaa shirqoolkaas in uu ka dambeeyey guddoomiyaha degmada Xarshin maadaama uu meesha joogay oo aanu soo kicin arkayeyna in meesha la igu xidhay oo isaguna guddoomiyihii yahay aniguna aan guddoomiyihii ahaa, in uu ninkaasi ka dambeeyo ayaan aamin sanahay anigu, sababtuna waxa weeyaan beryahaa maanaan wada shaqaynin qoladan xarshimeed inta uu ciidankani soo degay meesha oo inta badan nooma yimaaddaan, waatii la qaban jiray shirarkii degmooyinka labada dhinac, markaa berigii dhowayd ee shirka berbera lagu qabtay ayaan is idhi ku qabo oo waan kharash garoobay ka dibna way jareen oo guddoomiyaha xarshin ma tegin inta uu halkan balligubadle yimid ayaanu bartaa soo dhaafin, ilaa berigaa wax xidhiidh ah maanaan lahayn isaga”
Maayirka Degmada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac Cawad waxa uu sheegay in laga wada hadli doono sababta arrintaasi keentay
“Sideeddii habeenimo ayaa la isoo daayey wax wada hadal ah iyo wax wada shaqayn ahna maanaan yeelan, illaa hadana isku socodkayadii iyo wax wada shaqayn ahina ma jiraan imika, Balligubadle oo xagga xerada ciidanka ee dhinaca Itoobiya ayey igu xidheen, wax ay salka ku haysana ma garanayo ninkaas ayuunbaan u aanaynayaa, in laga wada hadlo mooyaane wax wada shaqayn ahi ma jirto, in ay inagu xad gudbaan ma aha inaguna aynu ku xad gudubno, in laga wada hadlo ciddii khaadka samaysay weeyaan oo la isaga yimaaddo, in aan cidna lagu xad gudbin labada dhinacba weeyaan oo ciddii khaladka lehna khaladkooda la saaro weeyaan”ayuu yidhi