Hordhac: Hordhac: West Ham Vs Man City -Hammers Ma Ka Soo Kabsan Doontaa Waji Gabixii FA Cupka Kaga Soo Gaadhay City?.

Manchester City ayaa dib ugu soo laabanaysa London Stadium halkaas oo ay muddo bil ka yar 5:0 ugu soo xasuuqday West Ham United ee kulankii FA Cupka, waxayna kooxda Guardiola doonaysaa in ay sare u soo qaado hamigeeda koobka Premier Leaque-ga ee xaalku ku xumaa waxayna isha ku haysaa in ay ka faa’iidaysato dhibcihii ay lumiyeen kooxaha Chelsea, Arsenal, Liverpool iyo Tottenham oo ah kooxaha ka sareeya, laakiin West Ham oo saxiixyo muhiim ah samaysay ayaa doonaysa in ay wax ka badasho xaaladii kulamadii ay Man City xili ciyaareedkan ka hortimid.

XOGTA KULANKA:

TARTANKA: Premier Leaque kulankiisa 23 aad

KULANKA: West Ham United Vs Manchester City

GAROONKA: London Stadium

WAQTIGA: 10:45 Saacada Geeska Afrika

GARSOORAHA:Kevin Friend

West Ham United ayaa samaysay saxiixyada muhiimka ah ee  Robert Snodgrass iyo Jose Fonte oo ay kala soo wareegtay kooxaha Hull City iyo Southampton sida ay u kala horeeyaabn. Difaaca ree Portugal ee Jose Fonte ayaa kulakiisii ugu horeeyay safan kara waxaana filayaa in uu badali doono Angelo Ogbonna oo maray qaliin uu ku seegayo inta xili ciyaareedkan ka hadhsan.

West Ham United ayaa sidoo kale war fiican ka heshay Cheikhou Kouyate oo dib ugu soo laabtay tartanka qaramada Afrika oo uu ku maqnaa laakiin waxaa Hammers ka maqnaan doona kulanka City  Havard Nordtveit, Sakho iyo Arthur Masuaku.

Liiska West Ham ee Kulanka City: Randolph, Adrian, Fonte, Reid, Collins, Byram, Cresswell, Pike, Noble, Obiang, Quina, Fernandes, Snodgrass, Antonio, Feghouli, Lanzini, Carroll, Calleri, Fletcher.

Manchester City ayaa ugu danbayn dib u heshay Fernandinho oo soo dhamaystay afar kulan oo ganaax ah wuxuuna diyaar u yahay inuu qayb ka noqdo kulanka West Ham. Sergio Aguero oo la nasiyay kulankii Crystal Palace ee FA Cupka ayaa isna shaxda Guardiola dib ugu soo laaban doona.

Dhaawacyada Manchester City ayaa soo yaraaday waxaana kulankii FA Cupka ee Crystal Palace shaxda City laakiin waxaa sii maqnaan doona Ilkay Gundogan. Guardiola iyo kooxdiisa City ayaa haddii ay guul soo gaadhaan dhibco la waadi kara kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Liverpool, laakiin haddii kale waxay halis ugu jiraan in ay Man United booska shanaad u lumiyaan.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

West Ham XI: Randolph, Antonio, Reid, Fonte, Cresswell, Feghouli, Obiang, Noble, Lanzini, Snodgrass, Carroll

Man City XI: Bravo, Zabaleta, Otamendi, Kolarov, Clichy, Toure, Fernandinho, Sterling, De Bruyne, Silva, Aguero

Comments

comments