Kooxda Chelsea oo guul kaga gaaratay Barcelona kulan saaxiibtinimo ee ka tirsan Rakuten Cup

Date:

Kooxda Chelsea ayaa guul 2-1 ah kaga gaartay dhigeeda Barcelona kulan ka tirsan ciyaaraha saaxiibtinimo ee isku diyaarinta xili ciyaareedka cusub, kaasoo ka tirsanaa Rakuten Cup.

Waxaa kulankan ka soo muuqday saxiixyada cusub ee labada kooxood iyadoo safka hore ay ku soo bilaawdeen xiddigaha Christian Pulisic oo Chelsea ah, iyo Griezmann oo Barcelona ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 34-aad kooxda Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii ay gool ka heshay xiddigeeda Tammy Abraham, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad marka dib leysugo soo noqday labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed cajiib ah, waloow ay Chelsea u muuqatay inay sameysay fursado kabadan Barcelon.

Daqiiqadii 81-aad Ross Barkley ayaa hogaanka u dheereeyay kooxda Chelsea wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0.

Laakiin daqiiqadii 90-aad Ivan Rakitic ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa Barcelon, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 2-1.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa ku soo idlaaday 2-1 ay guul ku gaartay kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea, xili kulankan uu ahaa mid saaxiibtinimo ee ka tirsanaa Rakuten Cup.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...