Xukuumadda Somaliland ayaa digniin eedeymo u jeediyey Maamulka Xamar ka jirta ee dawladda Somalia iyo maamul goboleedka Somaliyeed ee Putland oo ay sheegtay inay faro gelin cadaan ah ku hayaan wada hadalka dawladda Somaliland kula jirto Maamulka Kooxda Khaatumo ee Bariga Somaliland oo dhawaan wada hadal la la furay.
Wasiiru dawlaha Horumarinta Nabadeynta goboladda Bariga Somaliland md Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar), ayaa Shir Jaraa’id oo uu shalay Xafiiskiisa Xarunta Madaxtooyadda Somaliland ku qabtay ka dib isaga oo dalka dibadiisa hawlo shaqo kaga soo noqday, waxa uu ugu horeyn tilmaamay inay meel fiican oo qodobo laysla qaatay ku jiraan lagu soo afmeeray Shirkii wadda hadalka Somaliland iyo Kooxda Khaatumo dalka Itoobiya ay ku heesheen isaga oo digniin u diray maamulka Muqdisho ee Somalia iyo maamul goboleedka Somalia ee Putland oo farogelin inay wada hadalkaasi wiiqaan u tafaxaytay, waxaanu dhinaca kale baaq nabadeed u diray laba Beelood oo wakhtigan Abaaraha baahsan lagu jiro ku dagaalamay Deegaanka Widhi-Widh ee Gobolka Buuhoodle ka tirsan.
Md Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar), oo ugu horeyn uu digniin culus u diray farogelinta ay Maamulka Muqdisho iyo Garoowe ku hayaan wada hadalkii Somaliland iyo Khaatumo Adisbaba uga furmay dhawaan inay wiiqaan waxaanu yidhi “Adeer wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo mid u joogsanaaya Muqdisho iyo Putland midna maaha, waa arin Somaliland iyo walaalahood Khaatumo u taala waa arin Somalilandnimo iyo walaaltimo waa arin ay dawladda Somaliland garatay oo goosatay inay dhabarka u ridato sidii loo dhameynlahaa, waana arin odayaasha reer Khaatumo ee hada dhawaan Adisababa aanu kula kulanay ka go’an oo runtii ah Cali Khaliif iyo raga la socda kuwo rabitaanka dadka naga dhexeeya halka ay ku jirto si fiican u garanaaya oo aan muqdisho iyo Putland toona aheyn kuwo gacan kale laga soo gelin karo, marka horta arinta Khaatumo wax cid kale marnaba inay ku soo lug godo u joogsanaaya maaha ee waa dano Somaliland iyo umaddeeda u gaar ah meel wacana waa maraysa”
Wasiiru Dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta SomalilandWasiirka Nabadeynta goboladda Bariga Somaliland md Cabdirashiid (Gargaar) oo hadalkiisa sii wata waxa waxa uu ka hadlay wada hadalada Adisababa ka furmay wixii laga wada hadlay iyo fariin uu diray “Runtiina kulankii Adisababa aanu ku yeelanay ee labada dhinac ee guddida Somaliland ee wasiirka arimaha dibaddu hogaaminaayey iyo dhinaca kale ee Khaatumo si wacan ayaanu isku afgaranay qodobo muhiim ahna waanu isla qaadanay mana aheyn markii koobaad ee la wada hadlo in kasta oo si toos ah in laysku hor fadhiisto ay hada ugu horeysay rajo wacana waanu ka qabnaa in wax kasta midnimadda Somaliland ku dhamaan doonto, waxa kaliya ee aan halkan fariin uga dirayaa dadweynaha deegaanadda Buuhoodle iyo Cayn ka soo jeeda waa inay si wanaagsan oo mug iyo miisaan leh uga qayb qaataan arimaha nabadeynta iyo isfahanka loo baahan yahay gaar ahaan waxaan u la hadlayaa madaxda Khaatumo ee wada hadalka ku jirta iyagana waxaan ku boorinayaa dadka inay mideeyaan oo arinta loo dhamaado oo mid laysku daadegay oo lagu wada socda ay ka dhigaan wada hadalka iyo shirarka socda amaan badana waa u jeedinayaa madaxda khaatumo ee Dr Cali Khaliif Galeydh ugu mudo karsan yahay isaga iyo raga kale ee la socdaba”
Wasiir Gargaar waxa uu arin laga xumaado oo xanuun badan ku tilmaamay isla markaana fariin baaq u diray Beelo walaalo ah oo ku dagaalamaaya Deegaanka Widh-Widh ee Buuhoodle ka tirsan waxaanu yidhi “Runtii arinta Beelaha walaalaha ah ee Deegaanka Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle ku dagaalamayaa waa mid xanuun badan nagu haysa waa arin si weyn noo dhibaysa iyada oo colaadu sideedaba mar kasta dhib badan tahay waxa nooga sii dhib badan inay dadkaasi maatada ahi hadana iyaga oo abaaro la kadeedan xabad isku qaateen waa mid aan la qaadan Karin, iyada oo wakhti abaareed lagu jiro in hadana ay iyagu iskugu sii daraan colaad aan loo baahneyn, waxa dhacay anaga oo ka xun waxaan hadana ugu hambalyeynayaa sidii fiicneyd ee Madax dhaqameedka iyo Isimaddu u kala dhexgaleen xaqiidiina ilaa maalintii arintaasi bilaabantay waan la xidhiidhayey aniga oo hawlo shaqo oo qaran gacanta ku hayey mudooyinkii dambena dalka dibadiisa ku maqnaa xalaytada waan la hadlayey meeshii u fiicneydna nabadeyntu way maraysaa”