Somaliland: “Waxaan Is Leeyahay Awooda Ugu Weyn Ee Wax-Ka-Qabashada Leh Ee U Baahan Maanta In La Awoodeeyaa Waa Baanka Dhexe”

Date:

Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Go’aankii Xukuumaddu Ku Xakamaysay Sicir-Bararka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa markii u horaysay waxa uu ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay xukuumadda Somaliland ee ku aadanaa sicir-bararka iyo awaamiirihii ay kasoo saartay adeegyada Zaad iyo E-dahab ee shirkaddaha Telesom iyo Somtel. Cabdiraxmaan Cirro oo shalay wareysi siiyay telefiishenka HCTV waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay adeegyada Zaad iyo E-dahab, kuwaasi oo uu sheegay inay horumar balaadhan ka geysteen geyiga Somaliland. “Xukuumaddu go’aamo ayay soo saartay oo waa run Waxaan Is Leeyahay Awooda Ugu Weyn Ee Wax-Ka-Qabashada Leh Ee U Baahan Maanta In La Awoodeeyaa Waa Baanka Dhexe, oo baananka dhexe dunidu waxay xukumaan dhamaan lacagaha ama siyaasadda lacagta ee dalkaas, markaa marka waxaan xukuumadda ugu baaqaynaa in awoodiisii loo soo celiyo baanka dhexe.

Waxa uu Mr. Cirro sheegay in bangiga dhexe ee Somaliland ay awoodiisii hoos u dhacday tan iyo markii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegtay, “markii ay xukuumadda Kulmiye timid waxa caddaatay in baanka dhexe awoodii maamulista lacagta adag lagala wareegay”.

Waxa uu guddoomiye Cirro isagoo ka hadlaya shaqada baanka dhexe looga baahan yahay tahay uu yidhi; “dee baanku waa inuu marna Doolar soo geliyaa, marna shillinka geliyaa si loo dejiyo qiimaha lacagaha. Waa in xukuumaddu iyadu ay dhiirigelisaa isticmaalka shilinka Somaliland, oo cashuuraha ku qaadaa, oo qandaraasyada ku bixisaa oo dhammaan adeegyada kale oo dhana ay shillinka Somaliland ku istcimaashaa.”

Cabdiraxmaan Cirro oo wareysi siiyay telefiishenka HCTV  waxa uu soo dhaweeyay kaalinta ay adeegyada E-dahab iyo Zaad-ku kaga jiraan horumarka Somaliland “,waa inaynu ka fikirnaa dadkii waxa ay u tareen. Ma sicir-bararkii ayay ka qayb qaateen. Adeegyada E-dahab iyo Zaad waa adeeg dalal badan oo inooga horeeyayna ay isticmaalaan oo tobaneeyo sano isticmaalayeen, si cilmi ah looma xaqiijin in adeegyadaasi ay ka qaybqaataan sicir-bararka. Somaliland markaan eegno adeegyadaasi dadku faa’iido badan ayay u leeyihiin”. Ayuu yidhi guddoomiye Cirro waxaana mar uu ka hadlayay faa’iidooyinka ay leeyihiin adeegyadani tusaale u soo qaatay lacagaha tabarucaadka ah ee guddida abaarahu ka guraan bulshada guddo iyo dibedba, kuwaasi oo mara adeegyada E-dahab iyo Zaad, “waxaan dhagaysanayay sheikh Maxamed Aadan oo kamid ah guddida abaaraha, waxa uu sheegayay in ganacsadahii ugu weyn ee ka qaybqaata gurmadka abaaruhu uu ahaa adeegga Zaad, taasina waxay inna tusinaysaa in labadaasi adeegba ay yihiin kuwo door weyn ka qaatay gurmadkii shacabka reer Somaliland ee abaaraha dalka ka jira.”

Ugu dambayn Guddoomiye Cirro waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay inay isticmaalaan shillinka Somaliland, waxaanu xukuumaddana ku taageeray hirgelinta isticmaalka shillinka dalka,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...