Somaliland: Telesom Oo Laba Duulimaad Ku Soo Daabushay Lacagtii Zaadka ee Djibouti la geyn jiray

Date:

Telesom Oo Laba Duulimaad Ku Soo Daabushay Qayb Ka Mid Ah Lacagtii Zaadka Ee Jibouti U Taalay Macasmiisha Tirada Badan Ee Lacagtoodii La Baxaya Awgeed

Shirkadda is-gaadhsiinta ee Telesom ayaa laba dulimaad maanta ku soo daabushay oo Hargeysa keentay qayb ka mid ah lacagti Zaadka ee u taalay baananka Jibouti ka dib markii tan iyo shalay ay macaamil tiro badani ay safaf dhaadheer u galeen inay lacagtoodii Zaadka ugu jirtay kala baxaan.

Macaamiisha ku qumaamay xafiisyada telesom si ay lacagta Zaadka ula baxaan ayaa waxa sababay amar ay xukuumadda Somaliland shalay soo saartay oo shirkadaha Zaadka iyo e-Dahab faraya in aan wax ka yar $100 la isugu diri karin mobile-da lacagta lagu shubto taasoo ay xukuumaddu ku micnaysay inay wax kaga qabanayso hoos-u-dhaca qiimaha sarifka Shilinka Somaliland marka la barbar dhigo Doolarka Maraykanka.Waxa kale oo ay xukuumaddu amar ku bixisay in haka Doolar lagu sarifo SlSh 7000 ka dib markii uu sicirka sarifka ee Doolarku suuqa ka gaadhay 8600 Shilin todobaadkii u dambeeyey iyadoo uu ahaa 7200 laba bilood ka hor.

Hasa yeeshee talaabooyinka ay xukuumaddu qaaday ee ku waajahan sicir bararka maceeshada iyo hoos-u-dhaca Shilinka ayaa u muuqda inay yihiin qaar degdeg loo gaadhay oon cilmiyesneyn iyadoo ay go’aamadii xukuumaddu khalkhal ay suuqii ku ridaan mooyaane aanay ilaa hadda wax ka tarin mushkiladii la rabay inay daweeyaan.Inkastoo shalay iyo maantaba halka doolar lagu sarifayey 7000 hadana suuqa lagama helayn wax Doolar ah iyadoo qofka lacagta Maraykanka u baahda suuqa madaw kagaga badalanay 8600 waliba hadii la helo.Mana jirto ilaa hadda wax iska dhimo ascaartii maceeshadda inay sii kordhaan mooyaane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...