WADDANI ma xasaasiyad buu ka qaadaa horumarinta dalka iyo kasbashada maalgashiga caalamiga ah?
Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa bilaabay olole siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay ku fashiliyaan saldhig millatari oo dawladda imaaraadka carabtu danaynayso inay ka furato Somaliland, waxaana ilo looga qaateen ahi ay xaqiijiyeen in xisbigaasi fulinayo qodobbadii ay hore uga wada hadleen Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo la xidhiidhay in laga hor-tago in imaaraadku saldhigaas ka furto Berbera.
Siyaasiyiinta xisbiga WADDANI ayaa go’aansaday inay ku kaltamaan cambaareynta saldhigaas, waxaanay isku qeybiyeen in toddobaadkiiba dhawr xubnood warbaahinta ka naqdiyaan heshiiskan, si ay tushuush ugu furaan ra’yul caamka bulshadda. Xubno ka tirsan WADDANI ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyay waxay siyaasadeynayeen oo ay ka soo horjeedeen saldhigan. Naqdigoodu wuxuu u muuqday mid aan ku dhisnayn dal jacayl iyo aragti fog. Siyaasiyiinta ka hadlay waxay kala ahaayeen Xoghayaha Arrimaha dibadda Maxamed Cismaan Fadal, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, waxa hadalkoodu ku soo ururayay inay xisbi ahaan xasaasiyad ka qaban wixii horumar ah ee u soo kordha Somaliland inta ay iyagu dibada ka joogaan iyo dawladda Imaaraadka oo ay aflagaadeynayeen oo ay ku tilmaameen dawlad aan awood ciidan lahayn.
Waxase la gudboon inay xisbiga mucaaridka ah ee UCID ka bartaan kaalinta laga doonayo axsaabta mucaaridka ah. Xisbiga UCID iyo Hoggaankiisu waxay taageeraan wixii horumar ah ee xukuumaddu soo kordhiso, iyagoo si nasteexo ku jirtana farta ugu fiiqa wixii ay u arkaan inaanay dan u ahayn dalka.
Xukuumadda Somaliland, markii ay aragtay in wadanka Turkigu uu saldhig milatari ka furanayo Soomaaliya oo halis ku ah jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland oo Turkigu hubaynayo xukuumadda maqaar-saarka ah ee Muqdisho, waxay ka fikirtay inay iyaduna hesho dal xulafo ay la noqoto oo saldhig milatari ka furta Berbera. kaasi oo ah guul siyaasi ah oo u soo hoyatay Somaliland, isla markaana uu ku ammaanan yahay madaxweyne Siilaanyo iyo danjire Baashe Cawil oo muddadii ay Somaliland jirtay ku suntamay inuu noqdo danjirihii ugu dedaalka badnaa ee ku guulaystay inuu UAE dhacsiiyo inay iskaashi la yeelato dawladda Somaliland. dad badan ayaa aaminsan in saldhiga milatari ee imaaraadku doonayo inuu ka furto Berbera ay tahay aqoonsi dadban oo uu Somaliland siiyay.
Bishii May ee sannadkii 2016 waxa dawladaha Somaliland iyo shirkadaha dekadaha ee imaaraadka ee DP WORLD, kala saxeexdeen maalgashigii ugu ballaadhnaa ee shisheeye ee waligeed Somaliland hesho oo ay ku maalgelinayaan marsadda Berbera. Waxaanna ku baxaya adduun lagu qadaray $442 Milyan oo doolar oo lagu casriyaynayo dekadda Berbera. Heshiiskaas oo noqday mid Somaliland u fura in sharaa’iga waaweyn ee caalamiga ahi ku aaminaan inay maalgashan karaan.
Heshiiskan waxa ku jira in la dhiso jidka isku xidhaya magaalo xeebeeda Berbera iyo Itoobiya, kaasi oo isna ah faa’iido kale oo sahlaya inay marsadda Berbera adeegsato Itoobiya iyo dalalka kale ee mandaqada ee aan lahayn badduhu. Madaxweynaha Somaliland awoodihiisa dastuuriga ah ayay ka mid tahay inuu heshiis caalami ah galo, sida ku cad qoddobka 90-aad fiqradiisa 6-aad.
Waxase is weydiin mudan sababta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu si la mid ah sida cadowga Somaliland uga jiidh naxo wixii horumar ah ee dawladdu ku tallaabsato. Iyadoo xisbigaasi ay la daalaa-dhacayo fadeexadii dhawaan Hoggaanka xisbigaasi ay 20-kii Bishii December ee la soo dhaafay ay kula shireen magaaladda Nairobi Ra’iisul wasaaraha xilkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ay ka wada hadleen sidii Somaliland dib ula midoobi lahayd Soomaaliya.
Qorshaha xisbiga WADDANI kaga soo horjeedo saldhigan, waxa la weriyay inuu qayb ka ahaa qodobbadii ay ka wada hadleen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo weftigii WADDANI ee uu horkacayay Guddoomiye Cirro.