Xaflad bilan, balaadhan oo kulmisay boqolaal kamida Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee deegaamada Koonfurta iyo Bariga Burco, ayaa mid kamida madaxdhaqameedyada ka hadlay wuxuu sheegay in kamid noqoshada Xisbiga Kulmiye ee deegaamadaasi aanay ahayn mid guur-guurta ee ay tahay qadiyad lafta iyo jiidhka la dhalatay. “Harimacadku isagoo baro-baro leh ayuu dhashaa, innagana ilmaheenu isagoo Calaamada kulmiye leh ayuu dhashaa” sidaas ayuu xaflad ka yidhi Oday ku hadlayey afka waxgaradka Deegaamada Bali-dhiig, Dhoqoshay, Beer iyo Xagal oo munaasibad ku soo bandhigay cududda iyo codka ay la garab-taagan yihiin Xisbiga Kulmiye. Munaasibada, waxa ka qayb-galay Siyaasiyiin, Hogaan dhaqameedyo,waxgarad iyo boqolaal Taageerayaal ah, waxaana lagu qabtay mid kamida Hudheelada waaweyn ee ku yaalla Magaalada Burco. Todobaad qudha ayaa ka hadhay bilowga Ololaha Doorashada Madaxtinimada dalka.

Comments

comments