“Waxa la leeyahay saldhig militeri ayaa Berbera laga samaynayaa, laakiin wasiirka inagala hadlayaa waa wasiirka Duulista oo aan Mileteri shuqul ku lahayn, haddiise ay arrintu arrin militeri tahay mee wasiirkii difaacu…..”Ismaaciil Hurre Buubaa
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatanna ah saraakiisha saree e xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa ka hadlay saldhigga militeri ee ay dawladda Imaaraadka carabtu doonayso inay ka hirgeliso magaalada Berbera, waxana uu dhaliilay hannaanka loo wado saldhiggaas iyo cidda hawshiisa gacanta ku haysoba.
Ismaaciil Buubaa oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inaanay haboonayn in arrinta saldhigga lagu dedego, waxana uu soo jeediyey in arrinta la axadho oo laga baaraandego ka hor inta aanay dhegaha bulshada soo gelin, waxan isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “arrintani waa arrin militeri oo Somaliland uun ma ahee mandaqadda aynu ku noolahay saamaynaysa oo ay dawlad kale ku doonayso inay wax inala gasho, iyada oo aan arrintii qodxaha laga gurin oo aan daraasado laga samaynin in dadweynaha lagu soo dhextuuro aniga waxa ay ila tahay inay khaldan tahay.”
Mudane Buubaa waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in wasiirka Duulistu horseed u noqdo arrinta saldhigga militeri, isla-markaana ay ay meesha ka maqnaadaan wasiirradii ku shaqada lahaa oo uu wasiirka gaashaandhiggu kaw ka ahaa,“waxa la leeyahay saldhig militeri ayaa Berbera laga samaynayaa, laakiin wasiirka inagala hadlayaa waa wasiirka Duulista oo aan Mileteri shuqul ku lahayn, haddiise ay arrintu arrin militeri tahay mee wasiirkii difaacu, halka ay amnigeena iyo xasiloonideena kaga jirto cidda laga rabaa ma aha wasiirka duulista hawada’e waa wasiirka Difaaca” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.
Buubaa, ayaa waxa uu intaas ku daray,“Imika arrintu wasiirkii Duulistana way dhaaftay oo wax aka hadlaya wasiirkii Xoolaha, waxana muuqata inaan arrinta si fiican dadweynaha loogu sharxin, cidda gacanta ku haysaana aanay fahamsanayn xaasaasiyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, sida loo qaadaa dhigayaana ma aha si danta waddanka iyo danta umadda ku shuqul leh ma aha.”
Waxa uu soo dhaweeyey in dalka saldhig militeri laga hirgeliyo, balse waxa uu soo jeediyey in ka baaraandeg weyn la sameeyo oo arrinta saldhigga gacanta loo geliyo dadkii ehelka u lahaa,“way wanaagsan tahay inaynu waddamada Khaliijka carabta xidhiiidh wanaagsan la yeelano, laakiin sida arrinta looga hadlaya waa mid danta Somaliland-na dhibaatayn karta, danta cidda la doonayo inay inoo timaaddana dhibaato u geysan karta, istaraatiijiyadda mandaqadda aynu ku noolahay caalamka ku leedahayna waxad moodaa dadka arrinta ka hadlayaa inaanay fahamsanayn, waxana aan odhan lahaa arrinta hoos halloo dhigo oo halla daraasadeeyo oo iyada o si wanaagsan looga baaraan degay bulshada hallasoo hor dhigo” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.