“Meesha Saldhiga Laga Siiyo Madaxwaynuhu Ma Booqan Karo, Ciidanka Yimaadda Sharciga Wadankaagu Ma Qaban Karo” Axmed Yuusuf Yaasiin
Madaxwayne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhalayana in saldhig Millatari Imaaraadka laga siiyo magaalada Berbera.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa qodob qodob u taxay khasaaraha laga dhaxli karo saldhigaas millatari oo ay u sacabo tumayaan xubno ka mid ah xukuumadda Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:
“dawlad, dawlad kale ka doontay meel ay degto, waxa ugu horeeya waa meel ay ka duusho oo ay dawlad kale kaga duulayso waa marka koowaad, marka labaad waa meel hubka ay haysato ay ku kaydsan karto, marka saddexaad waa meel hubka lagu tijaabin karo, marka afraad waa meel laga fulin karo hawlaha ciidan, marka shanaad waa meel ciidanka laga abaabuli karo si uu ciidanku dagaal ugu diyaar garoobo, hadaba wax walba faa’iido iyo khasaare ayay leeyihiin, maxaa khasaare ka iman kara saldhigas? Horta deegaanka laga sameeyey waxbuu yeelayaa haddii ay tahay mid bulsho, mid biyeed, mid badeed iyo mid bariyeedba, waxaa kale oo iman kara haddii muddo dheer laga kireeyey inay in lagu sameeyo khasin qub oo hubkooda qashinka ka soo hadha halkaas lagu aaso, waana mid iman kartaa haddii aanay dawladaasi ahayn dawlad wayn oo iska celin karta, waxaa ka iman karta dhaqan xumo, meeshaas saldhiga laga bixiyey Madaxwaynuhu ma gali karo mudadaas laga kireeyey, sharciga wadankaagu ciidanka halkaas yimi ma qaban karo, waa khasaaraha uu leeyahay, waxaa kale oo iman kara colaad jiiraankaaga ah, hadaba Somaliland maxaa la gudboon, horta waxbaa la kala iibsanayaa, inagu cidda aynu meesha ka kiraynaynaa waa inay noqotaa cid ina ictiraafsan, waa inay noqotaa dawlad dhaqaale xoogan meeshaas galin karta haddii ay tahay xag maaliyadeed iyo xag ciidan , tusaale ahaan saldhigii todobaadtameeyadii, midawgii soofiyeetku waxay bixin jireen 40 Milyan oo dollar sanadkii iyo tababar iyo saanad ciidan, markaa saldhigyadu waxay u kordhaan sida jagooyinka, haddii ay bariga ahayd 40 Milyan waa inuu iminka 140 Milyan noqdaa, waa inuu ahaadaa waddan ku difaaci kara ilayn dagaalbaad u diyaar garawdee”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “cidda meesha lagaga kiraynayaa ama Imaaraadka ha ahaato ama cid kale waa khaliijka uun, hadaba Khaliij-ku ma ina aqoonsayahay”. Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.