Somaliland: Khilaaf Xooggan Salka Ku Haya Saldhigga Imaaraadka Laga Siiyey Berbera Oo Ka Dhex Curtay Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Madaxtooyadda

Date:

Wasiir Sacad Oo Diiday Inuu Shilimaad Xaqul-qalin ah Ku Beddesho Qodob Taariikhi Ah Oo Laga Galo Dalalka Jaarka Iyo Qodobbo Xaqiiqada Ku Salaysan Oo Uu Madaxtooayada Hor Dhigay

Safiir Baashe Oo Sii Wato Ugaadsiga Xaqul-qalinka Imaaraadka Iyo Farxaanka Duulista Oo U Dhabbacanaya Wixii Sacad Ka Xishooday Oo Meel Adag Ka Istaagay Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera Iyo Safiir Baashe Oo Sii Wata Hammuunta

Khilaaf xooggan, ayaa soo kala dhexgalay aqalka madaxtooyada Somaliland iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliand Md. Sacad Cali Shire, kaas oo salka ku haya saldhigga ay dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabtu doonayso inay Berbera ka samaysato.

Sida ay wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen warar xog-ogaal ahi, waxa uu wasiir Sacad Cali Shire si cad u diiday inuu wax lug ah ku yeesho saldhiggaas ay madaxtooyadu doonayso inay Imaaraadka ka siiso magaalada Berbera, waxana uu xusay inaanay isaga u muuqanin wax dan ah oo qaranka ugu jirta saldhigaas.

Saldhigan oo uu dabada ka riixayo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Md. Baashe Cawil, isla-markaana ay taageerayaal xubno awood weyn ku leh aqalka madaxtooyada, ayaa waxa ka gows adaygay wasiir Sacad oo isagu fure u noqon lahaa heshiis kasta oo dal shisheeye lala gelayo.

Khilaafkan oo ayaamihii ugu dambeeyey la dareemeyey qasriga madaxtooyada, iyada oo xubnaha heshiiskan danaynayaa u baydheen dhinaca wasiirka Duulista oo horeba isagu shaaca uga qaaday inuu madaxweynuhu dalabka Imaaraadka ogolaaday balse uu shuruud dhinaca goleyaasha Baarlamaanka la xidhiidha ku xidhay.

Wasiir Sacad oo isagu ahaa shakhsigii ugu horreeyey arrintan ay madaxtooyadu kala hadashay, ayaa ku andacooday inuu saldhigaasi cadaadawad cusub Somaliland usoo jeedi doono, isla-markaana uu gelinayo jawi go’doomin ah oo ay ka gasho dalalka la saaxiibka ah xilligan oo ay Ethiopia ugu weyn tahay.

Xogaha aanu ka helayno diidmada wasiir Sacad ee la xidhiidha saldhigga Imaaraadka, ayaa sheegaya inuu madaxtooyada hor dhigay qoddobo dhawr ah oo aan saldhiggaas loo oggolaan Karin, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin inaan wax dhaqaale ah oo buurani qaranka kasoo gelaynin, inuu heshiiska gacan ku leeyahay madaxweynaha Somaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo welibu inuu colaad cusub oo aanay la soconin wixii lagaga gaashaaman lahaa la socoin uu abuurayo.

Waxyaabaha kale ee uu wasiir Sacad u cuskaday diidmadiisa, ayaa waxa xogaha aanu haynaa ku sheegeen inuu madaxtooyada u sheegay inay weli taagan tahay buuqii iyo is-maan dhaafkii ka dhashay heshiiskii xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld oo ay si gaar ah u diidanaayeen shacabka gobolka Saaxil, isla-markaana aanay xilligan haboonayn in gobolka buuq kale oo shisheeye dabada ka riixayo lagu furaa.

Inkasta oo uu wasiirkii arrimaha dibaddu faraha kala baxay arrinta saldhigga Imaaraadka ee magaalada Berbera, baddana waxa hawshooda wata xubnaha heshiiska danaynaya oo uu ugu horreeyo Safiir Baashe Cawil, kaas oo xilligan kulamo qarsoodi ah ka wada magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta.

Dadka dhaqaalaha iyo arrimaha heshiisyada caalamiga ah ku xeel dheer, ayaa tilmaamay inaanu heshiiska Imaaraadku ku doonayo xeebta magaalada Berbera ahayn mid mukhaarash ku ah qaranka, isla-markaana dheefta kooban ee laga helayaa diidayso in codaawad hor leh dalka loo abuuro.

Xubnaha iyagu heshiiskan dabada ka riixaya, ayaa ka eegaya oo kaliya shilimaad xaqul-qalin ah oo laga qaadanayo dalka Imaaraadka, balse ma jirto wax dan qaran ah oo ay hawlahaas ugu jiraan, waxase si dhaw arrinta ula socda shacabka reer Somaliland oo iyagu dhawrayo jawaabta madaxtooyadu maalmaha soo socda ka bixin doonto.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...