Farxiya Maxamuud Xuseen oo ahayd gabadh yar oo 8 jir ah ayaa deegaanka Kala-jeex ee gobalka Saraar ugu geeriyootay haraad iyo gaajo, ka dib abaarta adag ee ka taagan deegaanada kala duwan ee Somaliland.
Guddiga gurmadka abaaraha gobalka Saraar iyo warbaahinta ayaa booqday qoyska ay ka soo jeeday gabadhan yari, waxaanay sheegeen inay ku suganyihiin xaalad adag oo nololeed, iyagoo xusay inay gabadha yari u geeriyootay haraad iyo gaajo iyo xanuun u raacay.
Qoyskani, waxay saxaafadda u sheegeen inaanay dhawr iyo toban habeen karsan wax cunto ah islamarkaana ay xubno qoyska ka tirsani u jiifaan xanuuno ka dhashay cunto la’aan iyo biyo la’aan, waxaanay codsadeen gurmad deg deg ah.
Guddiga abaaraha gobalka Saraar ayaa iyaguna xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ka dalbaday in lala gaadho gobalkaas gurmad deg deg ah inta aanay xaaladu faraha ka bixin.