Somaliland: Suldaan Wabar Oo Dhaq-Dhaqaaqyo Cusub Ka Bilaabay Xuduuda U Dhaxaysa Somaliland Iyo Itoobiya Iyo Taliyaha Booliska Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay

Date:

Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo maalmihii u danbeeyey la sheegay inuu dhaqdhaqaaqyo cusub ka wado xadka somaliland iyo Itoobiya ay ka wadaagaan dhinaca gobolka Awdal ayaa la sheegay in uu dib uga laabtay halkaasi oo  uu ku noqday deegaanka Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka somalida Itoobiya.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal Ganeral Xasan Ismaaciil “Gacmo-yare” ayaa ka hadlay halka uu wakhti xaadirkan ku  sugan yahay Suldaan Wabar iyo dhaqdhaqaaqyada la sheegay inuu ka wado deegaano ka tirsan gobolka Awdal,waxaanuu sheegay in uu jiro Imaatinka Suldaan Wabar balse aanu soo galin Somaliland gudaheeda.

Taliye Gacmo Yare oo isaga oo ku sugan magaalada Lughaya khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Saxan-saxo ayaa waxa uu sheegay in Suldaan Wabar uu ku laabtay dhinaca dalka Itoobiya isla markaana aanu usoo gudbin dhinaca Somaliland.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal Gen Xasan Ismaaciil Gacmo Yare oo ugu horeyn aanu waydiinay dhaqdhaqaaqyada Suldaan Wabar ee la sheegay waxa uu ku jawaabay

“Hadda waxaan kaala hadlayaa Meesha la yidhaahdo Lughaya oo aanu joogaa,meelo kalena waa soo maray ninkaas odayga ah ee aad sheegayso ma jirto meel uu ka joogo magaalada Borama iyo xuduuda Somaliland toona,manajirto ciidan uu ururinayaa,muddo dhexdaas ah xuduuda Itoobiya waa lagu sheeg sheegayay laakiin marnaba uma soo gudbin xuduuda Somaliland iyo Borama toona ,mana ogin mana maqal wax ciidan ah oo uu ururinayo,dadka awdal degenna iyaga ayaa nabada jecel oo iyaga ayaa noo soo warama umana jeedaan wax dhibaateeya iyo Suldaan Wabar toona”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi

“Muddo hore waanu maqalnay inuu joogay xuduuda Somaliland iyo Itoobiya u dhaxaysa ee gobolka Awdal oo dhinaca Itoobiya ah ilaa tobaneeyo cisho ka hor ayay ahayd laakiin”

Taliyaha mar la waydiiyey in ay jirto cid aragtay suldaan Wabar wakhtigii uu ku sugnaa xadka Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa uu ku jawaabay sidan

“Kolay xuduuda kama soo  gudbin laakiin dadka jooga dhinaca Itoobiya way cadaynayeen wax se hor fadhiistay oo ujeedooyinkiisa nooga soo waramay ma jiraan”sidaas ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sidoo kale mar la waydiiyay safarka uu hadda ku joogo magaalada Lughaya inay la xidhiidho maqalka dhaqdhaqaaqyadan Suldaan Wabar ayaa waxa uu ku jawaabay

“May wax dhibaato ah ma jiraan oo aanu dareenay waa shaqadayadii caadiga ahayd ayuunbaanu wadanaa hadana oo aan u joogaa Lughaya”

Taliyaha oo hadana wax la waydiiyey xaalada amaan ee gobolka Awdal ayaa waxa uu kaga jawaabay

“Xaalada gobolka Awdal waa nabad galiyo hadda,shacabkana waxaan leeyahay oo waliba ay caan ku yihiin nabad galiyada,gobolada kale oo dhan ayaa soo maray waxay haysaan nabadgaliyo aanay gobolada kale haysan,waana gobolka ugu nabad galiyada badan,waana ugu mahadnaqaynaa in ay halkaasi kasii wadaan”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay taliyaha booliska gobolka Awdal Gen Xasan Ismaaciil.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...