Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in uu rejo wanaagsan iyo guul midho-dhal ah ka rejaynayo in laga gaadho wadahadaladda u furmay dawladda Somaliland iyo kooxdiisa Khaatumo.
Waxaanu tilmaamay in hadda ay wada hadalladu bilow yihiin, isla markaana ay ka filayaan in is afgarad laga gaadho sidii ay nabad waarta iyo wada noolaansho looga hirgelin lahaa degaamadda gobollada bariga Somaliland.
Cali Khaliif, ayaa caddeeyay sida uu uga rejo dhigay in si sahlan lagu helo midnimo dambe oo Soomaaliyeed, waxaannu meesha ka saaray in aanu hadda jirin ifafaale muujinaya in ay dhalato dawlad midaysa dadk ku nool gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.
“Waxaanu door-bidnay, in la wada hadlo, si loo holiyo (joojiyo) colaadaha iyo dhibaatooyinka degaamadayada ka taagan. Dasrtuurkayagu-na wuxuu na farayaa in marka hore nabad wax lagu raadiyo, haddii ay nabadi suurtoobi wayda-na sidii kale ee noo furan aanu yeelno. Markaa yoolka ama u jeedadda aan ka leenahay wadahadalka aanu Somaliland la furnay waa nabad in la gaadho, is-faham la gaadho.
Arrimo aad loogu kala gedisan yahay way jiraan, waa la wada hadlay-na macnaheedu ma aha waa la heshiiyay, laakiin tallaabadii ugu horaysay ayaanu qaadnay. Markaa waxaan rejaynaynaa tallaabadii ugu horaysay waanu qaadnay, mid ayaaba ka sii horaysay oo ah shirkii Caynaba, inkastoo aanu wada hadallada si dhab ah uga mid ahayn. Kadib-na waxaa xigay shirkan u danbeeyay ee ka dhacay Addis Ababa”ayuu yidhi Prof. Cali Khaliif, oo magaalada Buuhoodle ugu waramayay Telefishanka Universal.
Waxa kaloo uu sheegay in haddii ay Somaliland isla qaataan in ay la midoobayaan, maadaama oo sida uu xusay aanu hadda jirin rejo laga qabo midnimo Soomaaliyeed, isla markaana midnimo dhex marta maamulkiisa iyo dawladda Somaliland lagu gaadhi karo haddii wada hadaladda la iskula qaato.
Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa arrintaasi lagu gaadhi karaa, wada hadaladda ayuun baa ama lagu guulaysan ama lagu guul daraysan. Siday anaga (Khaatumo) hadda wax noogu muuqdaan Xamar midnimo Soomaaliyeed oo aanu ugu dhimano, maamulka hadda Xamar jooga uma aragno, waxaanu ka doorbidaynaa in aanu anagu tashano.
Ninka hadda Xamar jooga ee odhanaya midnimadii Soomaaliyeed xageed dhigteen, waxaanu leenahay midnimadii Soomaaliya wax noogu hiiliyana maanaan arag, imika-na anagu dantayadda ayaanu ka raadsanaynaa, dantayadda ta ugu horaysaana waa in dadkayagu salka dhulka dhigaan, oo ay nabad ku noolaadaan.”
Dhinaca kale mar la waydiiyay su’aal ahayd in maamulka Khaatumo oo markii hore aaminsanaa midnimo Soomaaliyeed in ay dantoodda u arkeen in ay ka tanaasulaan, isla markaana ay raacaan Somaliland waxa uu ku jawaabay “Waa la arki doonaa, Waxyi ma aha waxani (midnimadda) waa wax dad ku heshiiyeen, waa wax ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay. Ummadda Soomaalida-na shacabku eed kuma leh waxaa marba leh arrinta iyo meesha ay wax marayaan maamulka jira.
Waxaan anigu ogahay, oo waxan oo dhan aasaas u ah, madaxweyne Axmed Siilaanyo markii aanu isku aragnay Addis Ababa, kadib ee uu ka degay Hargaysa waxaa uu garoonka diyaaradaha ka cadeeyay in ay wada hadal la bilaabeen Khaatumo, isla markaana aanu rabno wada hadaladaasi in aanu guul ku gaadhno. Guushu-na waxay ka soo dhex bixi kartaa wada hadaladda.”
Waxaanu intaas ku daray, “Siyaasadu ma aha in waxan laga hor dego, maadaama oo ay waxani wada hadallo yihiin. Wixii aanu ka tirsanayno Somaliland saxaafadda uma marinayno, xaq-na ma aha in aanu u marinno, Somaliland waxa naga dhexeeya in laga hor dega-na ma fiicna, in qolyihiinan saxaafada-na, haddii aad rabtaan idinka laftiinu arrintan in aad xamaasad ka abuurtaan, waar bal idinka laftiinu Karis xun ilayn iyad-na wax ku le’e, nabad baa meesha la rabaa”ayuu yidhi Cali Khaliif.Waxa kaloo uu sheegay in haddii ay ku heshiin waayaan Somaliland wada hadaladda u socda in aanay jirin labadda dhinac ku khasbi karta arrintaasi, waxaanu yidhi “Anaga iyo Somaliland haddii aanu ku heshiin wayno wadahadalka, cid nagu khasbayaa ma jirto, Somaliland-na laguma khasbi karo, anagana lanaguma khasbi karro. Sababta aanu Puntland ula hadli waynay, iyaga ayaan ogolayn, Puntland isaga ayaan rabin in aanu wadahadal la furno. Madaxweynaha Puntland isaga ayaaba afkiisa laga hayaa, wax maamulka Khaatumo la yidhaahdaa ma jiro. Dhulka dadka Khaatumo ayaa duulaan lagu yahay, waxa duulaanka ku ahi-na ma aha dawladda iyo dadka reer Somaliland, ee waa Puntland oo duulaan ku ah.”
Ugu dambayn, Prof. Galaydh, oo la waydiiyay arrinta la xidhiidha doorashadii labadda aqal ee dhawaan ka qabsoontay dalkaas Soomaaliya iyo rejadda uu ka qabo in ay baarlamaankaasi doortaan madaxweyne wax ka bedeli kara xaaladda siyaasadeed iyo mida nololeed ee haatan uu ku jiro dalkaasi.
Waxaanu sheegay in aanu Xasan Sheekh u qalmin in mar labaad la doorto, isla markaana haddii mar labaad dib loo doorto madaxweynaha hadda wakhtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud in uu saadaalin karro in dhibaato ka weyn kuwii hore uga dhacay Soomaaliya ay dhici doonaan, waxaannu yidhi, “Dastuurka qabyadda ah ee u yaalla federaalka Soomaaliya, qodobka 72-aad waxaa ku taalla, 18-kii gobol ee maamulkii Siyaad Barre ka tegay ayay noqonaysaa in wax lagu qaysado. Haddii dastuurka wax laga bedelaya-na nidaam baa loo maraa.
Laakiin Xasan Sheekh iyo shan qof oo leh madasha ayaanu nahay, awood ay meel-naba ku leeyihiin, oo ay wax ku bedeli karaan ma jirto. Rejo aan ka qabo, oo ummadda Soomaaliyeed baahida ay u qabto xukuumad ay iyagu leeyihiin, ILLAAHAY (SWT) baa wax bad-baadiyee, wax bad-baadisa , halkaa aniga ifafaalaheedii iigama muuqdo.
Waxaan ILLAAHAY (SWT) hortii ka markhaati kacayaa Xasan Sheekh nin is-taahila iska daa in la doortee, in uu madaxweyne danbe isu taago ma aha. Dadka lama khasbayo, laakiin haddii Xasan la doorto waxaa Xamar ka dhici doonna, ayuun baan leeyahay ILLAAHOOW naga bad-baadi, anaga namaba soo gaadhee, ILAAHOOW umadda Banaadir iyo Koonfur ku nool ka bad-baadi.”