Somaliland: Suldaan Reer Hargeysa Ah Oo Luuqad Adag Kaga Falceliyey Hadalladii Dhiillaysnaa Ee Guddoomiyaha WADDANI Iilka Ku Le’ekaysiiyey Wada-jirkii Umadda

Date:

“Cirro-oy Maxaad usoo ogaan weyday hoggaamiyayaasha dagaalkii sokeeye ee agtaada fadhiya ee aad magacyadooda u sheegi weyday ee aad qaybtii ay ku lahaayeen u sheegi weyday……”

“Xisbiga WADDANI waxa uu Somaliland ka wadaa qaybin, wuxu ka wadaa cunfi iyo kala sooc iyo qabyaalad, waana ayaandarro….”Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan oo kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uga digay hadallada dhiigta iyo nacaybka xambaarsan ee ku tiraabayey maalmahan dambe, waxana uu usoo jeediyey inaanu hoggaanka dalka ku qaban Karin kala qaybin iyo kala faquuqid lagu sameeyo bulshada.

Suldaanka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa si gaar ah hadalkiisa diirada ugu saaray qalalaasihii ka dhashay dagaalladii sokeeye ee bulshada reer Somalilnad dhexmaray, waxana sheegay in waxkasta oo dhacay maanta laga murugoonayo oo aan loo baahnayn in dib loosoo faqo nabarradii laga bogsaday.

Isaga oo arrimahaas ka hadlay suldaanku, waxa uu guddoomiyaha xasuusiyey in haddii dhacdooyinkii dagaallada sokeeye la isku ceebsanayo ay hareerihiisa fadhiyaan ragii hormoodka u ahaa dhibtii dhacday,“Anigu gaadhi tekniko ah baan watay oo Burco, Berbera iyo Hargeysa-ba waan ku dhaawacmaye, maxaad usoo ogaan weyday hoggaamiyayaasha dagaalkii sokeeye ee agtaada fadhiya ee aad magacyadooda u sheegi weyday ee aad qaybtii ay ku lahaayeen u sheegi weyday, arrintaasi waxa ay ahayd  ayaandarro Somaliland soo martay oo caqli lagaga bogsaday” ayuu yidhi suldaan Saleebaan Boqor Cismaan.

Mar uu si gaar ah usoo xiganayey hadalladii uu dhawaan warbaahinta mariyey guddoomiye Cirro, waxa uu suldaanku xusay inay taasi marag u tahay inta uu gaadhsiisan yahay garaadkiisu, waxana uu yidhi,“Taasi waxa ay muujinaysaa sida aad quusta uga joogto iyo qaybtinta aad reer Somaliland shacabkeeda kala qaybinaysaa siyaasad xumaantaada iyo hoggaamin xumaantaada, reer Somaliland-na waxan leeyahay qaran-nimada Somaliland maanta kala qaad qaad kuma jirtee difaaceeda iyo isku duubnideeda ayey dani ugu jirtaa, in qabiil lagu olaleeyo oo reer lagu olaleeyaa waa ayaandarro, hadalkaagaasuna waxa uu reer Somaliland baray halka uu caqligaagu taagan yahay.”

Suldaan Saleebaan oo bulshada u sharraxaya dhaqannada uu lasoo baxay xisbiga WADDANI iyo sida bulshada u kala qoqobayo, ayaa waxa uu yidhi, “Xisbiga WADDANI waxa uu Somaliland ka wadaa qaybin, wuxu ka wadaa cunfi iyo kala sooc iyo qabyaalad, waana ayaandarro xisbi qaran oo reer Somaliland oo dhami inay ka muuqdaan ahayd oo maanta halka uu dabada geliyey la arkayaa waa ayaandarradii ugu xumayd.”

Suldaanka ayaa noqonaya madax-dhaqameedkii ugu horreeyey ee si cad uga dareen celiya weedhihii xanafta lahaa ee dhawaan kasoo burqaday guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo dhawaan warbaahinta ka weeraray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...