Somaliland: Xubno ka Tirsanaa Golaha Dhexe ee Waddani oo ka Baxay Xisbigaas

Xubno ka tirsanaa Golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba iska casileen xubinimadii iyo xilalkii ay ka hayeen xisbigaas.

Xubnahan ka baxay xisbiga WADDANI oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxay sheegeen in sababta xisbiga WADDANI ay uga baxeen ay tahay markii ay arkeen in siyaasadda xisbigu aanay waafaqsanan xeerarka xisbiyada qaranka isla markaana siyaasadiisu tahay sidii dib ay u midooobi lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya.

Maxamed Jaahuur oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ka baxay WADDANI, isla markaana uu iska casilay xubinnimadii golaha dhexe ee xisbigaas, waxaannu yidhi, “Aniga oo ah Maxamed Jaahuur, waxaan iska casilay golaha dhexe ee xisbiga WADDANI iyo xubinnimadii xisbigaas, kadib markii aan arkay xisbiga oo siyaasadii ku fashilmay oo Soomaaliyadii aanu kala go’nay ku noqday oo dadkii nala coloobi gaadheen.
Markaa waxa aan is idhi siyaasadaaduna hano-qaadi mayso, waxa aan is idhi iskaga tag xisbigan oo xisbi xaakimkii aan ka tagay dib ugu noqdo, taageerayaashaydii ila socdayna waxa aan u sheegayaa in aan ku biiray xisbiga Kulmiye.”

Cabdifataax Ismaaciil Maxamed oo isaguna ka tirsanaa golaha dhexe ee WADDANI, waxa uu yidhi, “Aniga oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer, waxa aan caddaynayaa in aan iska casilay xisbigii oo aan ka baxay kuna biiray xisbiga KULMIYE, xisbigii WADDANI, waxa uu noqday baruur ayaa baruurro qudhmisa, kadib markii aanu fahmi waynay qaabka uu siyaasadiisa uu u wado, siyaasadda uu aaminsanyahayna aanay ahayn mid waafaqsan tii xisbi ahaaneed ee qaran, waxaanan uga diga roganay markii aanu aragnay in ay nagu sii wadaan Soomaali weyn.”

Comments

comments