Somaliland: Madaxweynaha Somaliland Oo Farriin Duco Iyo Salaan Isugu jirta U Diray Bulshada.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2017-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedaba, Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, siilaanyoMadaxweynuhu waxa uu si gaara Hambalyo iyo Salaan ugu dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidammada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba, kagana jiraan hawlaha qaranka ee ay ka nasanayaan curashada sanadka cusub ee ku beegan Maalinimada Axada ama berrito oo ay taariikhdu noqonayso 01/01/2017.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Allah uga baryayaa inay Sannadka 2017-ka, kiisa kale inagu gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo iyo horumar.

sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka iyo kuwa Somalilandba u rajaynayaa in Sannadka 2017-ku uu noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni, taama.

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale u ducaynayaa shaqaale weynaha aanu caafimaadku u saamixin inay caafimaadqab ku gaadhan curashada sanadkan cusub bilowgiisa, waxaanu ugu ducaynayaa madaxweynuhu shaqaalahaasi iyo muslimiinta kaleba in uu caafimaad taama siiyo kana dulqaado xanuunka, sanadka sanadkiisana ku gaadhaan caafimaad.
ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...