Chelsea ayaa ka badbaaday imtixaan adag oo ay kala kulantay kooxda Stoke City oo laba jeer barbaraysay kooxda Antonio Conte laakiin Willian oo kulankan laba gool ka dhaliyay ayaa kooxdiisa Blues ka badbaadiyay cabsi wayn oo ay kala kulmeen Stoke City. Gary Cahill iyo Diego Costa ayaa iyaguna min hal gool dhaliyay. Chelsea ayaa gaadhay guusheedii 13 aad oo xidhiidh ay waxayna ka hor kulanka Liverpool iyo Manchester City ay sii dheeraysatay hogaanka Premier Leaque-ga.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Chelsea XI (3-4-3): Courtois; Azpilicueta, David Luiz, Cahill; Moses, Kante, Fabregas, Alonso; Willian, Diego Costa, Hazard.
Kaydka:Begovic, Zouma, Ivanovic, Chalobah, Loftus-Cheek, Matic, Batshuayi.
Stoke City XI (3-4-2-1): Grant; Johnson, Shawcross, Martins Indi; Diouf, Affelay, Adam, Pieters; Allen, Shaqiri; Crouch.
Kaydka: Given, Bardsley, Sobhi, Imbula, Whelan, Bojan, Bony.
Stoke City ayaa bilawgii ciyaarta u muuqatay in ay dhibaato ku abuuri karto kooxda ay martida u ahayd ee Chelsea laakiin Blues ayaa ahayd kooxda inta badan kubbada haysatay isla markaana fursadaha ugu badan abuuraysay. Chelsea ayay ka go’anayd in ay sii wadato qaab ciyaareedkii fiicnaa isla markaana ay gaadho guusheedii 13 aad oo xidhiidh ah.
DAQIIQADII 18 AAD Stoke City ayaa dirqi ku badbaaday kadib markii uu Fabregas si cajiib ah ula ciyaaray Costa laakiin goolhaye Grant ayaa si fiican kooxdiisa uga badbaadiyay halista. Chelsea ayaa fursado badan ku raadinaysay goolka furitaanka waxaana la filan karayay in waqti ay qaadataba ay Blues heli karto goolka ay sida wayn uga shaqanaysay.
DAQIIQADII 27 AAD Stoke City ayaa Chelsea ka yaabsan gaadhay kadib markii uu goolhaye Courtios si qaldan ku laagay kubbada isla markaana ay Shaqiri iyo Adam si fiican iskugu xidhmeen laakiin Chelsea ayaa halistan dirqi kaga badbaaday waxayna ahayd fursad Stoke u sahli gaadhay goolka furitaanka.
DAQIIQADII 34 AAD GOOOOOOOOOL! Chelsea ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta waxaana gool madax gantaal ah Blues goolkan ugu saxiixay Gary Cahill kaas oo cid kasta uga dheereeyay kubbad uu koore ka soo tuuray Fabregas kaas oo sameeyay gool caawintan waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Blues hogaanka ciyaarta ku qabtay.
Dadaal badan oo ay labada kooxood sameeyeen ayaan keenin wax goolal kale ah waxayna qaybtii h–e ee ciyaarta lagu kala nastay 1:0 ay Blues hogaanka ciyaarta ku haysay isla markaana ay Sotke City culayska ku sii saartay ka hor qaybtii h–e ee kulankan.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo laba ujeedo oo kale duwan xambaarsan waxayna Chelsea doonaysay goolka labaad si ay ciyaarta u disho halka Stoke ay doonaysay in ay la timaado goolka barbaraha.
DAQIIQADII 46 AAD GOOOOOOOOOOOL! Stoke City ayaa la timid goolkeeda barbaraha iyada oo ayna qaybtii danbe ee ciyaartu socon hal daqiiqo waxaana goolka barbaraha u keenay Bruno Martins Indi iyada oo Adam uu kubbad laaga xorta ah soo tuuray isla markaana uu Crouch uu kubbada goolka madaxa ugu darbeeyay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.
DAQIIQADII 57 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Chelsea ayaa dib u soo ceshatay hogaanka ay daqiiqad kaliya ku lumisay qaybtii danbe waxaana gool si qurux badan looga soo shaqeeyay Blues udhaliyay Willian Borges Da Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Chelsea markii labaad hogaanka ciyaarta ku qabtay. Moses ayaa shaqo cajiib ah soo qabtay halka Hazard uu sameeyay caawinta goolka Willian.
DAQIIQADII 64 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Ciyaarta ayaa xaalad waali ah gashay waxayna Stoke City markale la timid goolkeeda labaad ee ay markii labaad ku barbaraysay Chelsea waxaana markan Blues ka yaabsaday Peter Crouch kaas oo ka faa’iidaystay kubbad ay si fiican uga soo shaqeeyeen Mame Biram Diouf oo gool caawintan sameeyay iyo Bojan oo ciyaarta badal ku soo galay isla markaana saamayn deg deg ah sameeyay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.
DAQIIQADII 65 AAD GOOOOOOOOOOL! Alla maxay jawaab celin ahayd! Chelsea ayay 74 ilbidhiqsi oo kaliya ay ku qaadatay in ay la timaado goolkeeda saddexaad si ay markii saddexaad hogaanka ciyaarta ula wareegto waxaana markale Chelsea badbaadiyay xidiga kulankan layaabka ka dhigayay ee Willian Borges Da Silva kaas oo markale ka faa’iidaystay gool caawintii labaad ee uu Fabregas isna kulankan ka sameeyay waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay Blues markiiba hogaanka ku soo ceshatay.
Fabregas ayaa noqday ciyaartoy afraad ee Premier Leaque-ga ka sameeyay 100 gool caawineed waxaana uga horeeyay Wayne Rooney, Frank Lampard & Ryan Giggs. Fabregas ayaa markale banaanka soo dhigay saamaynta uu kooxdiisa ku yeelan karo marka fursada la siiyo.
DAQIIQADII 85 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Diego Da Silva Costa oo ciyaarta oo dhangoolkiisa raadinayay ayaa ciyaarta hurdada udiray wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay goolka ay si rasmi ah ugu xaqiijisteen guushoodii 13 aad oo xidhiidh ay waxayna ciyaartu ku dhamaatay 4:2 ay Chelsea ku garaacday kooxda wacdaraha la soo baxday ee Stoke City waxayna Blues hal guul u jirtaa in ay jabiso rekoodhkii Arsenal ee guulaha xidhiidhka ahaa ee abid ugu badnaa.