Waxa Shalay Magaalada Laascaanood gaadhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon).

Wasiirka oo ay Magaaladaasi ku soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Sool, Maamulka Degmada Laascaanood, Dadweyne iyo Madax-dhaqameed, ayaa sheegay inuu hor-dhac u yimid oo uu u sii gogol-xaadhayo Wefti uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Miuxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Labadii Maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Burco.

Wasiirka oo markii lagu soo dhaweeyay Laascaanood ka dib, la hadlay Dadweynaha iyo Masuuliyiinta soo dhaweeyay ayaa yidhi, “Anigu waxaan hor-dhac u ahay Wefti Culus oo soo socda. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, ahna Musharraxa Madaxweynaha ayaa inoo imanaya, Caawa (Xalay) habeen dambe waalla joogaa.”

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale, “Waxa la danaynayaa oo loo imanayaa Gobolka Arrimo badan oo Gobolkan ka jira, hadday Abaaraha tahay, hadday tahay Nabadeynta iyo Arrimaha kale ee socda sidii wax looga qaban lahaa, ee la iska dhegaysan lahaa, markaa arrimahaa ayaa loo socdaa.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin-faratoon.

Comments

comments